4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 14, 2015
NAIROBI: Urur dhallinyaro oo ku baaqay in la joojiyo Colaadda Deg. Guri-ceel


Sabti, Feberaayo 14, 2015 (HOL) — Kulan uu soo qaban-qaabiyay Ururka UHUR oo ay ku mideysan yihiin Dhalinyaro ka soo jeedo gobalada dhexe ee Soomaaliya, loogana had-laayay dagaalada ka jiro Magaalada Guriceel ee ka tirsan gobalka Galgaduud, ayaa waxaa laga soo saaray Baaq nabadeed ku aadan in la joojiyo dirirtaas, isla markaasna miiska wada hadalka la iskugu keeno dhinacyadii halkaas ku dagaalamay.

Axmed Mire oo ah Guddoomiyaha Ururka soo qaban qaabiyay kulankaas, ayaa sheegay iney aad oga xun yihiin dagaalada Guriceel, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada halkaas ku dagaalamaayo iney si sharuud la'aan ku joojiyaan dagaalka, ayna wada qataan nabad si looga fogaado khasaare soo gaaro dadka aanan waxba galabsanin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Uhur, ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan Gobalada Dhexe ee Somalia iyo Dowladda Federaalka iney dadaal ku bixiyaan joojinta dagaalkaas iyo kala qaadista ciidamada is-hor-fadhiyo.

Dhanka kale, Maxamed Xasan Maxamud (Xiddig) oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka qeyb galay fadhigaas, ayaa isagana ku baaqay in gar-gaar loo fidiyo shacabka ku barakacay dagaaladaas ee ku sugan duleedka Guriceel, wuxuuna sheegay iney ka xun yihiin colaadaha ka soo cusboonaaday degmadaas.

Ugu dambeyntii kulankaas oo laga soo saaray Baaq nabadeed ku aadan joojinta dagaalada ka socdo degmada Guriceel, ayaa waxaa ka qeyb-galay waxgarad iyo dhalinyaro. iyadoo uu kulanku kusoo aadayaa xili dhawaanahaan ay dagaalo ka jireen magaalada Guriceel oo ka tirsan gobalka Galgaduud ee Bartamaha Somalia.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya