4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo quus ka muujiyay xaalada Yemen


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Yemen ay qarka u saaran yahay burbur iyo kala daadasho. Isagoo xusay in xaaladda dalka Yemen ayaa si deg-deg ah isu beshay kaddib markii Xuuthiyiintu ay xukuumaddii dalkaas rideen.

Ban Ki-moon oo la ahdlaayey golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa yiri: “Hal arrin waa in ay caddaato… Yemen waxay qarka u saaran tahay bur-bur, ma ahan inaan gacmaha ka laabano oo aan daawanno.”

Xaaladda Yemen ayaa noqotay mid ka duwan sidii hore tan iyo markii ay la wareegeen awoodda dalkaas kooxaha Xuuthiyiinta ah, iyadoo dalkaas ay ka socdeen rabashado sannadihii lasoo dhaafay.

“Waa inaanu qaadnaa tallaabo walba oo suuro-gal ah si aan gacan uga siino Yemen sidii ay dib ugu soo laaban lahayd, una heli lahayd siyaasad deggen,” ayuu hadalkiisa ku daray Ki-Moon.

Sidoo kale, Ban Ki-Moon ayaa ugu baaqay kooxaha Xuutiyiinta ah inay dib u soo celiyaan hoggaankii dalkaas sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si ay howlaha dowladnimo ee dalkaas u sii wadaan, kana fogaadaan inay ka dhigaan dagaalkooda mid ay xukuumaddii dalkaas ku af-gambiyaan.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Yemen ku sugan ayaa horumar weyn ka sameeyey Koonfurta dalkaas, xilli ay ku socdaan duqeyn ay ka geysanayaan diyaaradaha aan duuli-yaha lahayn ee dalka Mareykanka, iyadoo la rumeysan inay taageero ka helaan sunniyiinta oo aan dooneyn in Shiicada xukunka la wareegay.

Dalalka reer galbeedka ayaa safaaradihii ay ku lahaayeen dalka Yemen xiray kaddib markii ay sheegeen inay xaaladda amni ee dalkaas ay aad uga sii darayso, ayna baqdin ka qabaan in la beegsado shaqaalahooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya