4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 13, 2015
Guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti oo xalay si lama filaan ah u geeriyooday


Jimco, Feberaayo 13, 2015 (HOL) — Guddoomiyihii baarlamaanka dalka Jabuuti, Idiris Arnaoud Cali ayaa xalay ku geeriyooday xarunta Jabuuti ee Jabuuti, waxaana geeridiisa timid kaddib xanuun maalmahan hayay.

Maxamed Sh. Cismaan Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa xaqiijiyay geerida guddooomiyaha baarlamaanka Jabuuti, isagoo xusay in lasoo gaarsiiyay dhabaal ku saabsan geerida dhiggiisa Jabuuti.

Allaha u raxmadee Idriss Arnaoud Ali ayaa maanta Aas loogu sameeynayaa xarunta Jabuuti, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgeli doonaan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Jabuuti.

Geerida guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa la sheegayaa inay ahayd mid kadis ah, waxaana kusoo booday cudur halis ah oo aan la sheegin nooca uu yahay.

Dhanka kale, marxuumka ayaa ahaa guddoomiyihii baarlamaanka Jabuuti oo safar ku yimaada Muqdisho, iyadoo wafdi uu hoggaaminayo ay maalmo ku sugnaayeen caasimadda Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya