4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Furitaanka shirka dhismaha Maamulka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo Dib loo Dhigay


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia ayaa maanta shaacisay in dib loo dhigay Furitaanka Shirka Dhismaha Maamul ay yeeshaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe; kaasoo Qorshuhu ahaa in uu Furmo berri oo ay ku beegan tahay Taaraariikhdu 01-da September, 2015.

Afhayeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia, C/fataax Daahir ayaa sheegay in Sababo jira Awgood dib loogu dhigay Furitaanka Shirka dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelllada Dhexe, isagoo aan bixin faahfaahin intaas ka badan.

Sidoo kale, Afhayeenku ma sheegin xilliga uu furmayo shirka; waxaana jirtay dhawaanahan in muran xooggan uu ka taagnaa goobta Shirka lagu Qabanayo, taasoo aan weli si rasmi ah go’aan looga gaarin.

Guddoomiyeyaasha Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, C/fataax Xasan Afrax iyo Cali C/llaahi Xuseen [Guud-laawe] ayaa labaduba haatan Muqdisho ku sugan, balse weli kama hadlin labada mas'uul dib u dhigidda furitaanka shirkan.

Horaantii Bishan Ogoosto ayay ahayd markii Madaxtooyada Somalia lagu saxiixay heshiiska Dhismaha maamulka labadan Gobol, Xilligaas oo la sheegay in Shirkani uu Furmayo 01-da September lana soo gaba-gabeynayo bisha December ee Sannadkan.

Ugu dambeyn, tallaabadan dib u dhigista furitaanka shirka dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay qaaddo Dowladda Somalia, inkastoo aan la ogeyn halka uu xaalku ku dameyn doono.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya