4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Kulan lagu Caawinayay Agoonta Banaadiriga ee Muqdisho oo lagu qabtay Minnesota (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Kulan lagu Taageerayay Agoonta iyo Ciyaalka Darbi-jiifka Banaadiriga ee ku nool Muqdisho ayaa lagu qabtay hoolka shirarka ee Safari Hall Minneapolis, Minnesota; iyadoo ay kasoo qaybgaleen kulanka Qar ka mid ah Culummada, Waxgaradka, Haweenka, Ganacsada iyo Dhallinyarada.

Furitaankii Kulanka Waxaa hadal ka jeedisay, Safiyo Shariif oo ka Warbaxisay Fekerka uu ku yimid Mashruucaan lagu caawinayo Agoonta iyo Ciyaarka Darbi-jiifka ah, iyadoo xustay inay booqatay Muqdisho oo ay ku aragtay dhibaatada haysta ciyaalka Banaadiriga ah sida; iskuul la’aan iyo daryeel la’aan ka muuqata. Waxayna sheegtay in markii ay wargeysatay ay u sheegeen inay yihiin agoon; iyadoo intaas ku dartay inay la kulantay ciyaal fara badan oo ka oohiyay.

Safriyo waxay kaloo Sheegtay in Markaas kaddib ay Aasaastay Xarunta Banadiri Human Development B.H.D oo macnaheedu yahay Xarunta Kobcinta Bulshada Banadiriga ah.

Waxay kaloo kulanka ka hadlay Madaxda reer Banadiriga ee Gobolka Minnesota Maxamed Abuukar oo ku baaqay in lala shaqeeyo Safiyo Shariif oo Howshan culus madaxa saaratay, isagoo dadka faray in loo baahan yahay in carruurtaas loo sameeyo Waxbarasho iyo Nolol; maadaama dalkooda iyo dadkooda anfaci doonaan berri.

Dadkii kale ee iyaguna hadlay waxaa ka mid ah Shariif C/lla Maxamed (Shankar) oo hadda ka mid ah Culumadda Magaalada Portland ee Gobolka Oregon isagoo ka sheegay goobta in Rasuulkeenna Maxamed – NNKH - uu sheegay in Qofkii Agoonka wax siiya uu helayo ajar badan; illaa naloo sheegay buu yiri in xitaa haddii aadan wax siin ee aad madaxa u salaaxdo aad ajar helayso.

Sh. C/salaam Aadam oo isagana ka mida Culumada Minnesota ayaa aad uga hadlay sida ay Diinteenna Islaamka inoo farayso in Agoonta oo la Garab-qabto; wuxuuna yiri. “Dad badan oo naga mid ah ayaa dalka ku noqday, balse risaala kama keenin sida Safiyo ay warbixinta uga keentay kale; iyadoo wax weyn oo muhiim ah la timid.” Isagoo intaa ku daray in dadka Soomaaliya ku noqda aysan ahayn oo keliya inay Xeebta Liido isku soo sawiraan, laakiinse ay tahay inay ka keenaan fariimo.

Dhanka kale, waxaa ka kulanka ka hadlay Dad badan oo taageerada Agoonta in la xoojiyo ku baaqay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen; Maama Caabiyo Ciise oo ka mid ah xubnaha ugu muhiisan Jaaliyada Minnesota xagga waxqabadka, Ugaas Ismaaciil Ciiley, Shariif Jeeg iyo Osman Oskar.

Ugu dambeyn, Waxaa xusid mudan in labo Ganacsade oo Somali ah oo kala ah; Cismaan Quruxloow iyo Baas-kuwale ay sheegeen inay bixinayaan dhaqaale le’ag inta Dadka kale ay bixiyaan; taasoo ah tallaabo ku dayasho mudan.

Siyad Said Salah, Hiiraan online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota