4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Wasiir Caynte oo Soomaalida Minnesota uga Warbixiyay Xaaladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Yusuf Cali (Caynte) oo socdaal kusoo gaaray Magaalada Minneapolis - Gobolka Minnesota ee Dalka Mareykanka, ayaa uga Warbixiyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota xaaladda dalku uu marayo xilligan.

Caynte ayaa Jaaliyadda uga Sheekeeyay Xaaladda guud ee Soomaaliya, isagoo sheegay in rajada dalka ay soo noqotay, isla markaana uu ku kalsoon yahay horumar baaxad weyn oo ay gaarto Soomaaliya.

“Ma jirto cid aan Al-shabaab ahayn oo diiddan Dowlanimada dalka iyo nolosha ummadda Soomaaliyeed, iyaguna waa soo dhammaan doonaa,” ayuu yiri C/ramxaaan Caynte.

“Markii aad dalka ka fiiriso dhinacyo badan waxaa kuu muuqaneyso in rajadu ay soo noqoneyso, waayo waxaa soo noolaanaya nolosha iyo kalsoonida qofka Soomaaliyga, gaar ahaan waxbarashada iyo waxyaabaha kale ee aas-aasiga ah” ayuu sii daba dhigay Wasiir Caynte -  agaasimihii hore ee machadka daraasaadka siyaasadda iyo cilmibaarista ee  Heritage.

Wuxuu sheegay in faqriga iyo fursad la’aantu ay dhibaato xoog leh ku yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada. “Tahriibku waa ka cararid faqriga iyo fursado la’aanta dalka ka jirta, sidaa daraadeed qof kasta waxaa masuuliyad ka saran tahay inuu ka firkiro sidii loo cirib tiri lahaa faqriga, fursadano loo abuuri lahaa”

Mar uu ka hadlayay arrimaha siyaasadda dalka ayuu sheegay inaysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah. "Xukuumadda iyo baarlamaanku waxay isla afgarteen inaysan dhici karin doorasho ay codkooda ku dhiiibtaan dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, laakiin waxaan umada Soomaaliyeed u xaqiijineynaa inaysan dhici doonin muddo kororsi" ayuu yiri Mudane Caynte.

Wasiirka ayaa xusay in shaqo culus ay u taallo Xukuumada iyo Baarlamaanka Somalia, hase shacabka Soomaaliyeed laga doonayo inay ku taageeraan, isla markaana ay taladooda iyo taageeradooda ay tahay lagama maarkmaan.

Dhinaca kale, Wasiirku wuxuu Jaaliyadaha Dibadda, gaar ahaan kuwa Reer Minnesota ku amaanay taageeradooda dhaqaale "lacagaha aad halkan ka dirtaan dad badan ayay nolol iyo caawimad u yihiin" ayuu yiri wasiirku. Caynte ayaa sheegay inay wasaaraddiisu ku howlan tahay mashruuc ballaaran oo shaqo abuuris ah, kaas oo ay ku bixi doonto lacag badan, wuxuuna jaaliyadda ugu baaqan inay ka qeyb qaataan mashruucaas xalka u ah malaayiinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee shaqo la'aantu heysato.

"Dhibaato kasta oo dhacday dalkeena inaga ayaa eedeeda iska leh, waxayna nooga baahan yihiin intaan inagu xallino" ayuu wasiirku hadalkiisa ku soo gaban-gabeeyay.

"Khudbaddii Wasiirka waxay aheyd mid cashar ah, aad iyo aad ayaan uga mahacelineynaa warbixintiisa, rajo ayuu caafimaad qabta ayuu na galiyay" ayay tiri Ifraax Faarax oo ka mid aheyd qaban-qaabiyaashii xafladda soo dhaweynta wasiirka.

Sheekh C/raxmaan Shariif oo isna ka mid ahaa dadkii ka hadlay xafladda soo dhaweynta wasiirka ayaa ku ammaanay howl karnimadiisa iyo dadaalkiisa ku aaddan Somalia, isagoo ugu duceeyay in Illaahey u fududeeyo shaqadiisa.

Ugu dambeyn, Wasiir C/raxmaan Caynte ayaa intii uu joogay Minneapolis wuxuu kulamo gaar-gaar ah la qaatay qaybta kala duwan ee jaaliliyadda Soomaaliyeed, sida Culummada, aqoonyahanada, ganacsatada, siyaasiyiinta iyo saxafiyiinta.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota