4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Boqollaal Arday ah oo u Fariisatay Imtixaanka Qubuulka ee Jaamacadda Horseed (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Xarunta Jaamacadda Horseed ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa maanta ka Billowday Imtixaanka Qubuulka Jaamacadda, Waxaana u Fariistay 927 Arday ah; iyadoo Macallimiinta iyo Maamulka ay la Socdeen Qaabka Imtixaannada loo galayay.

Madaxa Waxbarashada Jaamacadda Horseed, Cismaan Cumar Axmed (Cismaan Nuunne) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sannadkaan ay imtixaanka u fariisteen 927 Arday, kuwaasoo uu sheegey inay doonyaan inay Jaamacadda ku soo biiraan.

Sidoo kale, Cismaan Nuunne ayaa intaas ku daray in Imtixaanka ay Qaadayaan Macallimiin lasoo xulay oo aqoon u leh Imtixaanaadka ardeyda dooneysa inay ku soo biiraan Jaamacadda Horseed laga qaado.

“Dhowrkii Ardey ee isku dhow Imtixaannada laga Qaadayo waa kuwo kala duwan; Taasi waxay adkeyneysaa inuusan Ardeyga wax qash ah sameyn,” ayuu mar kale yiri Cismaan Nuunne.

Dhanka kale, mid ka mid ah Ardeydii Imtixaanka u galayay Jaamacadda Horseed ayaa isna ka sheekeeysay dareenkeeda maadaama ay galeyso Imtixaanka soo Qabuulka Jaamacadda Horseed. Iyagoo tiri. “Dareenkeygu aad buu u sarreeyaa; waayo aad baan ugu soo diyaar-garoobey Imtixaanka, Waxaanan Rajeynayaa in aan helo natiijo wanaagsan.”

Ardaydii galeysey Imtixaanka qaarkood ayaa iyagana sheegay in dareenkoodu sarreeyo, isla markaana ay ku faraxsan yihiin inay u fariistaan Imtixaanka lagu soo galayo ama Qabuulka Jaamacada Horseed.

Ugu dambeyn, dhawaan ayaa waxaa Jaamacadda Horseed ka Qalin-jabiyay 482 Arday ah; kuwaasoo ka kala qalin-jabiyay Kulliyadaha ka duwan ee ay Jaamacaddu ka kooban tahay, Waxaana Xafladdii Qalin-jabinta goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala socday Ururrada Jaamacadaha, Ganacsato, Waaliddiin iyo dhamaan Ardayda wax-ka-barata Jaamacadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya