4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Xukuumadda Burundi oo ku eedeysay Waddanka Rwanda inay Jabhado soo Gelisay Waddankeeda


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Xukuumadda Burundi ayaa dalka ay dariska yihiin ee Rwanda ku eedeysay inuu jabhado soo geliyay dalkeeda, kuwaasoo Weerarro geysanayay Burundi tan iyo markii Madaxweynaha dalkaas Pierre Nkurunziza uu ku dhawaaqay inuu mar saddexaad u tartamayo doorashada Madaxnimo ee dalkiisa horraantii Sannadkan.

Afhayeenka Baarlamaanka Burundi, Pascal Nyabenda ayaa sheegay in dalkiisu uu aad uga xumaaday tallaabadaas; mar uu ka hadlayay kulan dalalka Bariga Afrika ay uga hadlayeen xiisadda Burundi oo ka dhacay dalka Uganda.

Jabhadahan ayuu sheegay inay ka dagaalamayeen tan iyo bishii Abriil ee 2015-ka gobolka ku yaalla waqooyiga Burundi oo ku dhow Xadka ay Burundi la Wadaagto Dalka Rwanda.

“Arrintan waa mid aan la aqbali Karin, waayo dalalka ku bahoobay Bariga Afrika waxaa u yaalla xeer dhigaya inaanu dal falal noocan oo kale ah ka geysan karin dal kale oo gobolka ka tirsan,” ayuu hadalkiisa ku daray, Nyabenda.

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa 20-kii bishan loo dhaariyay xilka madaxnimo ee dalkiisa markii saddexaad, kaddib markii guddiga doorashooyinka dalka Burundi ay sheegeen inuu natiijo sare ka helay doorashooyinkii dalkaas ka dhacay bishii lasoo dhaafay ee July.

Dhanka kale, waxaa cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa Burundi iyo Rwanda, kaddib markii Xukuumadda Bujumbura ay Xir-xirtay 50-qof oo u dhashay dalka Rwanda, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen ganacsato iyo dad kale oo Safar ahaa, balse Burundi ay ku eedeysay inay ahaayeen kuwo gacan siinayay mucaaradka dalkeeda ka jira.

Xiriirka siyaasadeed ee u dhexeeya labada Waddan ee Burundi iyo Rwanda ayaa ahaa mid aan Wanaagsanayn Bilhii lasoo dhaafay, kaddib markii Xukuumaddda Kigali ay Walaac ka muujisay colaadaha ka socda dalka Burundi.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Rwanda, Louise Mushikiwabo ayaa Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay sheegtay in Xukuumadooda ay ka Fiirsanayso Xiriirka Siyaasadeed ee ay la leedahay Burundi, kaddib Xarigga Muwaadiniinta Dalkooda ay u geystay Dowladda Pierre Nkurunziza oo ay ku tilmaameen kaligii-taliye.

“Rwanda siyaabo badan ayay u wajahaysaa khilaafka kala dhexeeya Burundi oo ay ka mid yihiin; inay lasoo baxdo safiirkeeda ayna xirto safaaradda Bujumbura ay ku leedahay,” ayay Mushikiwabo ku qortay barteeda Twitter-ka.

Ugu dambeyn, safiirka Burundi u jooga Rwanda, Alexis Ntukamazina ayaa wada isku-dayo uu ku doonayo inuu xiisada ku qaboojiyo, laakiin Xukuumadda Kigali ayaa Ergayga u jooga Burundi, Amandin Rugira ka Dalbatay inuu Xukuumadda Burundi uu kala hadlo xarigga loo geystay muwaadiniinta dalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya