4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Howlgal ay Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ka Sameeyeen Galguduud oo ay Dadi ku Dhinteen


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Ugu yaraan Siddeed qof ayaa ku Dhintay Howlgallo ay Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ay saaka ka sameeyeen Deegaan Ceel-qooxle ee Gobolka Galguduud oo Qiyaastii 30-km u jira degmada Ceelbuur.

Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Col. Nuur Xasan Guutaale oo BBC-da u Warramayay maanta ayaa sheegay in Howlgalkan uu ahaa mid Xoogag ka tirsan Al-shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka oo uu ka socday shir lagu heshiisiinayo dad iska dilay khilaafyo beeleed la isaga dilay.

Balse, Wararka laga helayo Deegaanka Ceel-qooxle ayaa sheegaya in Dadka lagu Dilay Howlgalkaas uu ku jiro Sheekh Tafsiirka Qur’aanka ka akhrin jiray Masaajid ku yaalla deegaankaas.

“Wadaadka Allaha u naxariisto howlgalka ayuu ku dhintay, laakiin dadka kale ee lagu dilay howlgalka waxay dhamaantood ahaayeen Al-shabaab, kuwaasoo ahaa kuwo soo weeraray deegaanka, kaddib markii ay 4:00 habeenimo ee xalay ay si rasmi ah gudaha ugu galeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,” ayuu mar kale yiri Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur.

Sidoo kale, Col. Guutaale oo la weydiiyay inay ciidamadoodu weerareen deegaan uu ka socday shir lagu heshiisinayo beelo ay xurgufi dhex-martay ayaa xusay in uusan jirin warkaas; balse uu ahaa mid looga Hor-tagayo Xoogag Al-shabaab ka tirsan oo doonayay inay shacabka deegaanka si khasab ah ku xukumaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Howlgalkan lagu soo xirxiray labaatameeyo qof, kuwaas oo ciidamadu ay u qaadeen deegaanada ay Gobolka Galguduud kaga sugan yihin; kuwaas oo la sheegay inay ku jiraan Ugaasyo iyo Waxgarad.

Col. Guutaale oo wax laga weydiiyay dadkan la Qab-qbatay inay ku jiraan Dad waxgarad iyo ugaasyo ah ayaa beeniyay taas, wuxuuna xusay inay yihiin dad caawinayay Al-shabaab, inakstoo uusan sheegin tallaabadan laga qaadi doono.

Al-shabaab oo iyadana Dhankeeda ka Hadashay Howlgalkan ayaa sheegtay inay Ciidamada Itoobiya ugaasyo iyo waxgarad ka qafaasheen deegaanka Ceel-qooxle oo ka tirsan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, laakiin ma sheegin wax khasaare nafeed ah oo howlgalkan ka dhashay.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur, Col. Guutaale ayaa xusay inaysan jirin wax khasaare ah oo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kasoo gaaray Howlgalka ay ka sameeyeen Gobolka Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya