4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
RW Somalia oo Maanta soo Xiray Shirkii Wada-tashiga qabyo-tirka dastuurka dalka (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta soo Xiray Shirkii Labada Maalmood Socday ee looga Tashanayay Dhameystirka Dastuurka dalka, kaasoo ay ka Qayb-galeen Xubno ka socday Bulshada Rayidka ah ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka, sida wakiilo ka socday Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur-Galbeed, Shabeellada Hoose, Hiiraan iyo Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Dastuurka; iyadoo looga Tashanayay sidii Bulshada Rayidka ah ay Qayb uga Qaadan laheyd Qabyo-tirka Dastuurka Dalka.

Gabagabadii Kulanka ayaa laga soo saaray 14-Qodob oo ay bulshada Rayidka ah u Aragtay inay ku Haboon tahay in lagu kordhiyo Dastuurka dalka, maadaama uu yahay qabyo, loona baahan yahay in ka hor 2016-ka qabyo-tir lagu sameeyo dastuurka.

Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa sidoo kale Ballan-qaaday inay Qayb weyn ka Qaadan doonaan sidii bulshada Soomaaliyeed ee Gudaha iyo Dibadda ku sugan loo Fahamsiin lahaa dasatuurka, looguna Wacyigelin lahaa Dhowristiisa.

RW Sharma’arke oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa xusay muhiimada wada-tashiga uu u leeyahay dhameystirka Dastuurka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Bulshada Rayidku ahi ay laf-dhabar u yihiin qabyo-tirka dastuurka, maadaama ay yihiin dad dhex-dhexaad u ah Bulshada Soomaaliyeed, una adeega.

"Dalkeenna waxa halkan dhigay waa Xasillooni-darro siyaasadeed, Waxa maanta aanu ka shaqeyneynana waa sidii loo Dhameystiri lahaa Dastuurka dalkeenna, si loo helo Xasillooni Siyaasadeed, maadaama Dastuurka dalku Qeexayo Awoodaha Dastuuriga ah," ayuu yiri Sharma’arke oo sidoo kale, kula dardaarmay Wakiilladii Bulshada Rayidka ahaa inaysan ku saleyn siyaasad iyo rabitaan shaqsi, balse ay ku saleeyaan Danaha Ummadda iyo Wacyiga Dalka.

Ugu dambeyn, RW Cumar ayaa yiri. "Mudada yar ee aan haysano, waxaa nalooga fadhiyaa inaan ku Dhameystirno Dastuurka, isla markaana Dalka loo helo Nidaam Suuro-galin kara Doorasho, Maadaama aan la socono inaysan dalka maanta ka dhici karin doorasho Qof iyo Cod ah."

Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Gabagabadii kula dardaarmay Ummadda Soomaaliyeed in wax kasta oo dani ay ugu jirto dalka loo waajaho si Wadajir ah oo Wadatashi ku dhisan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya