4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Xukuumadda Shiinaha oo billowday olole lagula dagaalamayo dadka Internet-ka ku faafiya beenta


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Xukuumadda Shiinaha ayaa billowday in ay Ciqaabto dadka beenta ku faafiyaha baraha Internet-ka, iyadoo 197-qof oo ay Dowladda Shiinuhu u aragtay inay warar aan sax ahayn ku faafiyeen Internet-ka ayaa la ciqaabay.

Dowladda Shiinaha ayaa sidoo kale xirtay 165 bar Internet, iyadoo Xukuumadda Beijing aysan weli sheegin inta uu socon doono ololahan dadka beenta faafiya lagula dagaalamay.

Billowgii bishan ayaa la xiray wiil 18-jir ah oo kaasoo xirnaa shan casho, kaddib markii uu qoray war been ah oo ku saabsan in Qaraxii kiimikada ee Tianjin ay ku dhinteen 1300 oo Qof.

Laakiinse, Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay in dadkii ku dhintay Qaraxyadii ka dhacay Tianjin ay ku geeriyoodeen 150, tiro kale oo intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, wariye u shaqeeya Wargeys wax ka Qora dhaqaalaha ayaa isagana la xiray kaddib markii la sheegay inuu Qoray warbixin Saadaalinaysa in Xukuumadda Shiinaha ay joojin doonto lacagta ay ku kabto Suuqa Saamiyada Shirkadaha oo uu Qiimahoodu hoos u dhacay.

Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay inay doonayso inay joojiso wararka beenta ah ee lagu baahiyo baraha internet-ka, kuwaasoo ay xustay inay shacabka ku nool dalkaas u keenaan walaacyo fara badan.

Ugu dabmeyn, Dadka dhaleeceeya Xukuumadda Shiinaha ayaa ka Walaacsan sharciga ay dowladdu ku adkaynayso waxa lagu qoro Internet-ka, inay tahay mid loogu Tala-galay in lagu tir-tiro dhaleecooyinka loosoo jeediyo Xisbiga Hanti-wadaagga ah ee talada dalkaas haya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya