4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Wasaaradda Waxbarashada oo soo bandhigtay Ardayda ku Guuleystay Deeqaha Waxbarasho


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee XF Somalia ayaa maanta soo bandhigtay liiska ardayda Soomaaliyeed ee ku guuleystay Deeqo Waxbarasho ee Jaamacadeed, kuwaasoo isugu jirta kuwa gudaha ah iyo dibadda.

Ardayda Deeqaha Waxbarasho ku guuleystay oo tiradoodu tahay 290-arday ayaa Waxay u kala heleen sidan: 80-arday oo Deeq Waxbarasho loogu dirayo Suudaan, 70-arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Itoobiya, 110-Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Jaamacadaha ku yaalla Gudaha Somalia iyo 30-Arday oo Deeq Waxbarasho ka helay Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho.

HADDABA, Hoose ka Akhriso Liiska Ardayda ku Guuleystay Deeqaha Waxbarasho iyo sida ay ugu kala Guuleysteen;

1. DEEQ WAXBARASHO WADDANKA SUUDAAN              –      80-ARDAY;

2. DEEQ WAXBARASHO WADDANKA ITOOBIYA              –      70-ARDAY;

3. DEEQ WAXBARASHO JAAMACADDA UMMADDA         –      30-ARDAY;

4. DEEQ WAXBARASHO JAMAAMADAHA DALKA             –     110-ARDAY;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya