4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Khuburo ka Digtay in Qofku Xogtiisa Saxda ah uu ku Keydsado Shabakadda FACEBOOK-GA


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Ujeeddada ugu muhiimsan ee Facebook-ga ayaa ah in dadku ay ku Wadaagaan macluumaad ku saabsan noloshooda, waxaana ka hor inta aadan shabakadan ku soo biirin lagu weydiinaya su’aalo dhowr ah, taasoo shabakaddu ay u aragto in amniga akoonkaaga lagu sugayo.

Hadaba halkan waxaan idin kugu soo gudbanaynaa dhowr sababood oo aadan ugu baah-nayn in akoonkaaga facebuug-ga aad galiso macluumaadkaaga saxda ah ee adiga kugu saabsan, sababo la xiriira in la loo dhici karo safaxadaha shabakaddan.

Ma ahan fikir wanaagsan in aad taleefonkaaga gacanta  galiso safaxaddaada face-book-ga, waxaana tani ay sahlaysaa in kooxaha Internet-ka ka qaraabta ay macluumaadka adiga ku saabsan si sahlan ula baxaan ,isla markaana u adeegsadaan si khaldan.

Tuugada Internet-ka Waxaa Taleefankaaga Gacanta ay uga Faa'iideysan karaan inay ku raadiyaan safaxadaadda Facebuug-ga ,taasi oo suurtagal ka dhigi karta in macluumaadkaaga ay dibadda u baxaan.

Reza Moaiandin oo ah baare dhinaca amniga Internetka ah ayaa sheegay in lambarkasta oo laga isticmaalo dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada, isla markaana lagu kaydiyo Faceboog-ga si fudud lagu heli karo.

Waxa uu sheegay hadii uu doono in macluumaadka uu ka helo akoonada Facebook-ga uu  ka gadan karo suuqa madow ee Internet-ka, wuxuu xusay in isticmaalayaasha shabakadan looga baahan-yahay in lambaradooda ay qariyaan.

Sidoo kale; waxaa la sheegay in haddii aad galiso Facebook-gaaga halka aad ku nooshahay ay keeni karto in lala socdo dhaq-dhaqaaqaada, sida marka aad soo dhigayso sawirro, ka hadlayso fasaxaaga iyo marka aad waxyaabo cusub soo gadato, waxay khubarada internet-ka ay ku taliyeen in aad facbuug-gaaga ka saarto ciwaanka gurigaaga hadii aad kal horeba galisay.

Isku day in Facbook-ga aadan ku qorin halka aad ka shaqayso ,hadii qof aad isku meel ka shaqaysaan uu isku dayayo inuu eego Facebook-ga, waxaa dhacda in inta badan akoonka aad leedahay uu ku arko sawir ama post aad horey u samaysay oo uusan jeclaysan.

Si lamid ah tani waxa ay sahlaysaa in kooxaha internet-ka ay u dhacaan kombiyuutarkaaga shaqada ,akoonadaada internetka ,iyadoo kooxaha internetka jabsada ay doorbi doonaan akoonka uu qofku ku leeyahay shabakadda Linkedin.

Ugu dambeyn, Arrinta ugu xiisaha badan ee Mowduucan ayaa ah in laga digayo inaad akoonkaaga facebook-ga galiso kaarkaaga bangiga ,waxaana tani ay suuro-gal ka dhigaysa in si sahlan ay dad kala duwani u maamushaan xisaabtaada sida qof kamid ah qoyskaaga  iyo waliba asxaabta kugu dhow-dhow.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]