4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga oo Maanta Tababar loogu soo Xiray Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta xerada tababarrada ciidamada ee Jaziira Tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo halkaas tababbar ku Qaadanayay muddo dhawr bilood ah.

Ciidamadan tababarka loosoo xiray ayaa isagu jira boolis iyo saraakiil cusub oo ka mid noqonaya ciidamada Xoogga dalka, waxana sidoo kale Munaasabadda xiritaanka tababarka ka Qayb-galay Taliyaha Ciidamadda Xoogga Somalia Jen. Daahir Aadan Cilmi, Saraakiil ka socda Midowga Yurub iyo AMISOM oo tababarka Qayb ka mid ah bixinayay.

Jen. Diini oo la hadlayay Ciidanka Booliska ee tababarka dhamaystay isagoo kula dar-daarmay inay la yimaadaan karti iyo hufnaan, wuxuuna sheegay in booliiska ay yihiin ciidanka ugu horeeya ee laga arko dal iyo kartidiis maadaama ay iyagu u xil-saaran yihiin soo dhaweynta madaxda Somalia uga imaanaya caalamka iyo ilaalinta xarumaha Qaranka.

“Ciidamada maanta tababarka aan u soo xirnay waa ciidan aqoon iyo karti lagu soo xulay, dhamaantoodna waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dhisno ciidan leh muuqaal Qaran, ayna ka go’an tahay difaaca dalkooda. Waxaana sharaf u ah Dowladda Soomaaliya iyadoo taageero ka helaysa Beesha Caalamka inay soo xirto Tababarkan oo soconayay muddo afar bil ah, waxaana kalsooni buuxda ku qabnaa in ciidankan ay noqon doono kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii Qaranka Soomaaliyeed soo celiya," ayuu yiri Wasiir Diini.

Sidoo kale, Wasiirka Difaaca Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa ku Bogaadiyay Saraakiisha tababarka dhameystay, wuxuuna sheegay in saraakiishu saldhigga u yihiin Aasaaska ciidan Qaran oo lagu soo xulay aqoon iyo kartidooda gaar ka ah.

Jen. Diini ayaa dhanka kale u mahadceliyay cid walba oo tababarkiinna gacan ka geystay, waxaa la idinku soo xushay ee maanta la idiin saaray mas’uuliyadaas weyn waa difaaca dalkiina Hooyo iyo inaad kusoo biirtaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed; isagoo xusay inay tilmaan cad u tahay sida mar walba ay nooga go’an tahay inaan dib u dhisno Ciidammo leh tayo iyo Tababar ku filan. Maanta laga billaabo waxaad tihiin saraakiil ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, waana inay idinka muuqataa buu yiri Mas’uuliyada la idin asaray.

Ugu dambeyn, Wasiirka Difaaca Somalia ayaa wuxuu saraakiisha ku boorriyay in laga doonayo in ay si wanaagsan u Hoggaamiyaan Qaybaha lagu qoray, isagoo sidoo kale xusay in looga baahan yahay inay u diyaar garoobaan ciribtirka Al-shabaab.

Si kastaba ha haaatee, Saraakiisha Tababarka maanta loosoo Gunaanaday ayaa lagu hor-dhaariyay Wasiirka Gaashaandhigga Somalia, waxuna isla goobta ugu xiray min labo xidig.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya