4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Xildhibaanada Galmudug oo si Aqlabiyad ah u Meel-mariyay Wasiirrada Galmudug (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa si Rasmi ah u Ansixiyay maanta Golaha Wasiirrada Cusub ee Maamulkaas oo uu Toddobaadkaan soo magacaabay Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirradii cusub ee Maammulka Galmudug oo tiradoodu tahay 52 xubnood oo kala ah 24-wasiir, 24-wasiir ku xigeen iyo afar wasiir u dowle, ayaa waxaa ku jira xubno ka socda Maamulka Ahlusunna oo dhawaan Maamulka Galmudug uu la saxiixday Heshiis Awood-qaybis ah.

Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Ansixiyay Xukuumadda Kaddib markii Wasiirka Madaxtooyada Mamulkaas uu baarlamaanka hortiisa ka akhriyay Qorshaha Xukuumadda Cusub ee Galmudug ay ku howlgeli doonto.

Fadhiga Baarlamaanka Galmudug oo ahaa Goob-joog ka ahaayeen 69 xildhibaan; ayaa 66-xildhibaan oo ka mid ah waxay codkooda siiyeen xukuumadda, halka saddex xildhibaan oo kala ahaa; Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen aysan codkooda dhiiban.

Golaha Wasiirrada Maamulka Galmudug ayaa lagu hor-dhaariyay Xildhibaannada, kaddib markiii la ansixiyay, iyadoo kulankii ansixinta Wasiirradan ay ka maqnaayeen 20 mudane oo aan la ogeyn sababta ay u maqnaayeen, maadaama baarlamaanku uu ka kooban yahay 89-xildhibaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Casir Gacal oo kulanka hadal ka jeediyay ansixinta xidhibaannada kaddib ayaa sheegay in xildhibaannada Galmudug maanta wixii ka dambeeyay ay yihiin kuwo ansax ah oo howshooda billaabi kara.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ansixinta golihiisa wasiirrada kaddib hadal jeediyay ayaa sheegay xildhibaanada Galmduug uga mahad-celiyay ansixinta Wasiirrada, isagoo Wasirrada codka la siiyayna kula dardaarmay inay la yimaadan shaqo wanaagsan.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka KMG Galmudug ayaa waxaa sugaysa howlo badan oo ay ka mid yihiin Xallinta Muranno kala dhexeeya Qaybo ka mid ah Ahlusunna Waljamaaca oo weli Galmudug kasoo horjeeda iyo Puntland oo uu kala dhexeeyo muran dhinaca xuduudda ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya