4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
WASIIR HADLIYE: Soomali badan ayaa Weli ku Xayiran Dalka Yemen oo ay Colaado ka socdaan


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia C/salaam Cumar Hadliye oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Somalia ayaa Sheegay inay Mas'uuliyiinta ka socda Somalia iyo kuwa Imaaraadka Carabta ay kawada hadleen Xaaladda ka taagan dalka Yemen.

Hadliye ayaa sheegay in Soomaali badan ay weli ku Sugan yihiin Dalka Yemen, kuwaasoo aan weli lasoo qaadin, inkastoo kumannaan Somalia ah waddankaas laga soo saaray tan iyo markii ay colaaduhu ka billowdeen horraantii shanadkan lagu jiro.

“Arrimaha Yaman ayaa  laga hadlay, horayba waan u sheegnay inaan ogol nahay in dib xukunka loogu soo celiyo dowladdii sharciga ahayd ee Madaxweyne Cabdul Rabbi Mansuur Al-haaddi, waxaanu u sheegnay inaan wali Garab Taagan-nahay Ciidakooda Dagaalka kula jira kuwa Argagixisada ah iyo kuwa diiddan in Yamani ay nabad noqoto,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia.

Sidoo kale, Wasiir Hadliye ayaa xusay aragtida dowladda federaalka Soomaaliya ee Dalka Yaman taasoo ah in dalkaas nabad-galyadiisa ay sidii hore dib ugu soo laabato colaaddana la joojiyo.

“Annaga dan-weyn ayaa noogu jirta Yaman, waa wadan aan isku daariiq nahay, waa dal Muslim ah... Waa dal horay gacan u siiyay Soomaaliya intii Burburku jiray; Waxayna soo dhaweeyay toddobo boqol oo kun oo Qaxooti Soomaaliyeed ah oo dalkaas waqti hore miciin-biday,” ayuu hadalkiisa ku daray Hadliye.

Ugu dambeyn, Waddanka Yemen ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkan lagu jiro ka socday colaado u dhexeeya xoogagga Xuuthiyiinta ah iyo ciidamada daacada u ah dowladdii xukunka laga tuuray ee Al-Haaddi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya