4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Dowladda Kenya oo lagu eedeyay dilal lagu fuliyo dadka lala xiriiriyo falalka Argagaxisada (Sawiro)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Mudaharaad ay ka Qayb-galeen Ururadda u Doodo Xuquuqul Insaanka, kuwa bulshada rayidka iyo hogaamiyaasha Xisbiyadda Mucaaradka Kenya oo shalay ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa waxaa loogu baaqay dowladda Kenya iney wax ka qabato dilal is daba jooga ah ee loogu eedeyay Ciidamada Dowlada iney u geystaan dadka Muslimiinta ah ee ka soo kala jeedo gobalada Waqooyi Bari iyo Gobalka Xeebta Kenya.

Mas’uuliyiintii ka qeyb-galay mudaharaadkaas oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Farah Macallin, Hogaamiyaha Xisbiga Wiper- Kalonzo Musyoka oo ahaa Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kenya. Martha Karua oo ah Hogaamiyaha Xisbiga NARC-Kenya. Al-Amin Kimathi oo u dhaq-dhaqaaqo xaquuqda dadka Kenyaanka ah iyo Garyaqaan Ahmed Naasir Abdullahi, ayaa waxey u jeediyeen dowlada Kenya eedeyn la xiriirto dilalkaas.

Hoggaamiyaashaas, ayaa qaarkood waxey sheegeen in dilalkaas ay ka bilowdeen Kenya kadib markii dacwad looga oogay madaxda Kenya Maxkamada dambiyada dagaalka qaado ee ICC iyo markii ay bateen weerarada ka dhacay gudaha Kenya, iyadoo Hay’adda u doodo xuquuqul Insaanka ee Amnesty International ay dhawaan ku eedeysay dowlada Kenya iney dilal sharci daro ah ku fulisay dhalinyaro badan oo ka soo jeedo gobalada Waqooyi Bari iyo Xeebta Kenya.

Gar-yaqaan Ahmed Naasir Abdullahi oo ku hadlaayay afka Muslimiinta Kenya, ayaa sheegay in muddo 21 bari ah ay dowlada Maxkamad ku geyn doonaan hadii aynan jawaab ka bixin dadka maqan iyo waxyaabaha ay ka og tahay.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkaissery, ayaa isagana ku baaqay in la joojiyo dilalka lagu fulinaayo dadka lala xiriiriyo argagixisadda, wuxuuna codsaday in baaritaano lagu sameeyo falal dambiyeedka ay ku eedeysan yihiin dadkaas balse laga fogaado wax kasto oo dil sharci daro ah keeni karo.

Dhanka kale, Mudaharaadyada looga soo horjeedo dilalka lagu eedeyay ciidamada Kenya iney fuliyaan oo ka dhacay magaalada Nairobi Jimcihii iyo Axadii aynu soo dhaafnay, ayaa waxey ku soo beegmayaan iyadoo dhawaan la sheegay in la’layahay dad ka badan shan boqol oo qof oo ka soo jeedo gobalka waqooyi bari Kenya kuwaasoo markii ugu dambeysay ay Ciidamadu kala baxeen guryahooda; halka labo boqol in ka badana laga la’yahay gobalka Xeebta Kenya markii ciidamadu ay iyagana ka wateen guryahooda.

Dhawaan, ayaa sidoo kale Meydad dadka Soomaaliyeed oo qaarkood ay ka muuqdeen jir dil, waxaa laga kala helay gobalada Bartamaha iyo Gobolka Eastern Kenya.

Dilalkan ayaa badankooda waxaa la sheegay iney dhaceen wixii ka dambeyay bishii afaraad ee sanadkaan, xiligaas oo uu dhacay weerarkii lagu qaaday Jaamacada Magaalada Gaarisa oo Al Shabaab ay ku dileen arday badan oo aanan waxba galabsanin.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya