4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Maamulka Idaacadda Risaala oo Indho-fiiqis u Sameysay 22 Ruux oo Aragga la’aa (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Idaacadda RISAALA oo ah Idaacadaha Maxaliga ah oo xarunteedu tahay Muqdisho ayaa indhaha u fiiqday Dad Gaaraya 22 Ruux oo Araga la’aa, iyadoo kharashka indhaha loogu fiiqay dadkaan ay iska soo uruuriyeen dhageystayaasha Idaacadda Risaala.

Dadaal badan oo ay Maamulka Idaacadda bixiyeen ayaa lagu guuleystay in indhaha loo fiiqo 22 ruux oo ka mid ah 200 ruux oo baaris lagu sameeyay labadii bilood ee lasoo dhaafay.

Dadka indhaha loo fiiqay ayaa ka kala yimid gobollada; Jubadda Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Muqdisho, waxaana dhakhaatiirtu ay sheegeen 200 ee baarista lagu sameeyay inay suuragashay 22 ruux kaliya in indhaha loo fiiqo.

Agaasimaha Idaacada Risaala, Maxamed C/wahaab C/llaahi ayaa sheegay labadii bilood ee lasoo dhaafay inay socotay baarista loo sameynaayay dadka indhaha loo fiiqi karo iyo kuwii aanan loo fiiqi karin ugu dambeynna maanta lagu guuleystay in indhaha loo fiiqo 22 ruux oo ka mid ahaa 200 ee ruux ee baarista loo sameeyay.

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa u mahad-celiyay dhageystayaasha Idaacadda iyo Guddigii ka shaqeeyay inay suuragasho in indhaha loo fiiqo dadkaan, guddigaasi oo isugu jiray culummo iyo qaybaha bulshada oo la shaqeynaayay Maamulka Idaacada Risaala intii ay socotay howsha indha fiiqista ah.

Dhanka kale, Maxamed Axmed Sheekh Maxamuud oo Xubin ka ah Guddiga ka shaqey-nayay howsha la xiriirta indha fiiqista ayaa sheegay howsha ay qabatay Idaacadda Risaala inay tahay mid Ammaan mudan oo u baahan inay ku daydaan Warbaahinta kale ee dalka ka jirta.

Qaar ka mid ah dadka Indhaha loo fiiqay oo aad u faraxsan dareenkoodana uu yahay mid sareeyo ayaa sheegay inay Dhageystayaasha Idaacadda Risaala iyo Maamulkaba ay si aad ah ugu mahad-ceilnayaan, maadaama ay suuro-geliyeen inay dib u soo celiyeen araggooda.

Hooyo ka mid ah dadka Indhaha loo fiiqay ayaa iyada oo aad u faraxsan xustay inaysan qiyaasi karin waxay ku abaalmariso Maamulka iyo Shaqaalaha Idaacada Risaala.

Ugu dambeyn, Idaacada Risaal ayaa Bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay qabatay Tartan Qur’aan Akhris ah oo ay ku baratameen dadka Araga la’a, iyadoo sidoo kale ciidsiisay dhammaan Dadkii ka Qayb-galay Tartanka Qur’aanka Akhriska Idaacada Risaala ee araga la’aa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya