4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
Xaflad lagu Taageerayay Maamulka Galmudug oo ka dhacday Magaalada OTTAWA (SAWIRRO)


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Iyadoo wali ay socdaan Xafladaha kala duwan ee lagu soo dhaweynaya Maamulka cusub ee Galmudug ayaa waxaa magaalada Ottawa ee dalka Canada lagu qabtay Xaflad lagu taageeray ay Maamulka Galmudug.

Xafladdaas ayaa waxaa kasoo qayb-galay Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa Qaybahooda kala duwan. Waxaan halkaas laga soo jeediyey hadallo lagu taageerayay maamulka uu madaxda ka yahay Cabdikariim Guuleed.

Mas’uuliyiinta Maamul-goboleedka Galmudug ayaa lagu boorriyay inay ka shaqeeyaan sidii Soomaalida la isugu keeni lahaa; iyadoo Arrintaas loo marayo Qaab Wadahadal iyo dib u heshiisiin ah.

Sidoo kale, Xubnihii kasoo qaybgalay xafladda taageerada ah ayaa waxay si aad ah ugu dalbadeen Hoggaanka Maamulka Galmudug inay taageeraan Dowladda Dhexe ee Somalia ayna si nabad ah kula noolaadaan maamullada dariska la ah.

Xafladda ayaa waxaa intii ay socotay daadihinayay Dr. Ciyow; iyadoo xafladda lagu soo bandhigay heeso lagu taageerayo Maamul-goboleedka Galmudu; kuwaasoo uu soo bandhigay fannaanka da’da yare e Cawaale.

Ugu dambeyn, Xaflado lagu taageerayo Maamul-goboleeedka Galmudug ayaa waxay horay uga dhaceen magaalooyinka Minneapolis, Columbus, Toronto iyo Magaalooyin kale oo ku yaalla Waqooyiga Ameerika iyo Calaamka intiisa kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya