4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 31, 2015
MADAXWEYNE XASAN: Taageerada Imaaraadka Carabta muhiim ayay u tahay Soomaaliya


Isniin, Ogoosto 31, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay Magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan; ayaa sheegay n taageerada Imaaraadku ay muhiim u tahay dib u dhiska Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo booqasho ku jooga Imaaraadka Carabta, ayaa kulankaasi kaga warramay xaaladda dalka iyo sida uu ugu qanacsan yahay taageerada ay xukuumadda iyo shacabka Imaaraadka Carabta la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya.

Dhaxa-sugaha Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan ayaa dhankiisa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu taageero hiil iyo hooba u fidiyo Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay waddan ay walaalo yihiin oo u baahan in dhinac kasta laga taageero, dagaaladii sokeeye ee dhacay kadib.

Labada dal ayaa kulankaasi ka caddeeyay inay xoojiyanaan iskaashigooda, sida dhinacyada maalgashiga, taageerada dib u dhiska, kaabeyasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley muhimadda in nabad laga dhaliyo dalalka Carbeed ee colaadaha ay ka jiraan.

Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Bin Maxamed Gargash iyo mas’uuliyiin kale oo labada dowladood ka socdey.

Kulankaasi ayaa ku soo idlaadey jawi is-afgarad leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya