4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Shir looga Tashanayo Dib u eegista Dastuurka oo Maanta ka Furmay Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Shirweyne dib u eegista Dastuurka dalka looga hadlayo ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho. Shirkaan oo ay soo Agaasintay Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukumadda Somalia ayaa waxaa furay Ku-simaha Madaxweynaha Somalia ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka FS, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari].

Kulankan oo ah wada-tashi ayaa socon doona laba casho ah; Waxaana inta uu socdo looga hadli doonaa Doorka Ururrada Bulshada Rayidka ah ay ka Qaadan karaan Geedi-socondka dib-u-eegista Dastuurka, Waxaana Goob-joog ka ahaa mas'uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Dowladda Somalia, Guddiga Madaxa-banaan ee dastuurka, Ururrada Bulshada Rayidka oo ka kala yimid Maamul-goboleedyada Dalka sida; Puntland, Jubbaland, Koonfur-galbeed, Galmudug iyo Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta shirkan looga qabtay Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya ay tahay doorka ay ka qaadan karaan hannanka dib u eegista Dastuurka.

“Ujeeddada waa in dastuurka uu noqdo mid ay Soomaalidu leedahay oo Ra’yiga Shacabka ku dhisan, Xukuumadda Somalia waxaa ka go’an in Qof kasta oo Soomaali ah la dhageysto fikirkiisa meel kasta oo uu joogo. Maanta waxaan u fadhinnaa inaan dhageysanno fikirka bulshada rayidka ah ee Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka guddiga la socodka dastuurka dalka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Xildhibaan Ibraahim Saalax [Dayfullah] iyo Guddomiye ku xigeenka Guddiga Madax-bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, Maxamed C/lla ayaa si wadajir ah u sheegay inay diyaariyeen Qorshe lagu hir-gelinayo dib u eegista Dastuurka Dalka.

Afhayeenka Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo si rasmi ah furay shirkan dib u eegista dastuurka Somalia ayaa tilmaamay inay muhiimad tahay inay Ururrada Bulshada Rayidka ah kaalin ku yeeshaan dib u eegista lagu sameynayo Dastuurka Somalia.

“Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay ka middy ihiin bulshada Soomaaliyeed, shacabka oo dhan lama Wada-gaari karo, Sidaas daraadeed, idinku waxaad tihiin Dadkii u Dhexeeyay Shacabka iyo xukuumada illaa iyo inta laga gaarayo in afti dadweyne loo qaado dastuurka. Marka waxaa muhiim ah in la heli tallooyinkii ee ku aaddan dib u eegista Dastuurkeenna,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Ugu dambeyn, Ku-simaha Madaxwayanaha Somalia ayaa qaar xubnaha Ururrada Bulshada Rayidka ah waxay weydiiyeen su’alo la xariira dib u eegista Dastuurka dalka; iyagoo hoosta ka xariiqay in si shacabka Soomaaliyeed ay dastuurkooda u bartaan dowladda Somalia ay u marin doonto Qaybaha Warbaahinta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya