4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Xukuumada Somalia iyo Jubbaland oo isla gartay in dib loo eego dhismaha Baarlamaanka Jubba


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Xukuumadda Federalka Somalia iyo Maamulka KMG-ka ah ee Jubbaland ayaa maanta ku heshiiyay Qodobbo ay ka mid yihiin in dib u eegis lagu sameeyo Qaabka Dhismaha Baarlamaanka Jubba, kaddib Safar ay RW Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ku tageen Magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed ay Xukuumaddu Caawa soo saartay ayaa lagu Sheegay in Wadahadallo Qaaday muddo saacado ah kaddib la isku af-gartay laba qodob oo kala ah;

1. Maamulka Jubbaland wuxuu ogolaaday in dib u eegis lagu sameeyo habka dhismaha baabrlamaanka Jubbaland, laguna kordhiyo xubnaha loo arko inay ka maqantahay

2. In Guddigii ay DF Somalia dhistay ee uu madaxda u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia ay Kismaayo tagaan, dib u eegisna sameeyaan, lana fariistaan dhinacyada arrintu khuseyso

RW Sharma’arke ayaa soo dhaweeyay qodobada la isku Af-gartay, wuxuuna ku tilmaamay bog cusub oo u Furmay Beelaha ku nool Gobollada Jubbooyinka, maadaama ay Hoggaanka maamulka Jubbaland Tanaasul muujiyeen ogolaadeenna inay xaliyaan cabashada Shacabka, isagoo xusay in arrintan ay horseedi doono qancinta iyo soo xero-gelinta dhinacyada diidan habkii loo maray dhismaha Baarlamaanka maamulka Jubba.

Sidoo kale, Sharma’arke ayaa xusay in Xukuumadda Federaalka ay taageero dhan kastaba leh ka geysaneyso dhaqan-gelinta is-af-garadkan, iyo sidii loo meel-marin lahaa, si loo helo maamulo sal adag oo ka tarjumaya Rabitaanka Shacabka, ugu dambeyntiina loogu gogol xaaro taabbo-agelinta geeddi-socodka sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdigiisii ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib heshiiskan, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay billowdaan dhaqan-gelinta Qodobada heshiiskan ku xusan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya