4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
FARMAAJO: Al-shabaab Waxaa looga Adkaan karaa in laga Xiro Ilaha ay Dhaqaalaha ka Hesho


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa sheegay in looga baahan yahay mas’uuliyiinta xilka dalka haya inay Al-shabaab ka Daboolaan meelaha ay ka hesho dhaqaalaha ay si ay dagaalladooda u sii wadaan.

Mudane Farmaajo ayaa intaas ku daray in Qorshayaashiisa ay ugu Muhiimsanaan doonto in uu la-dagaallamo Al-shabaab oo uu sheegay inay Weerarro uu Dhiig-ku-daatay ka Geystaan Gudaha Waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

Isagoo Nairobi ugu Waramayay Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in haddii la Adeegsado Hannaan Istiraatiijiyadeed si fudud looga Adkaan karo Al-shabaab.

“Qorshahaashan waxaa ka mid ah in laga xiro ilaha ay dhaqaalaha ka helaan iyo in taageero laga helo shacabka ku nool goobaha ay ka taliyaan,” ayuu Farmaajo ku yiri Wargeysiga uu siiyay The Standard.

Warsaxaafadeed ay dhawaan soo saartay hay'adda FBI-da Mareykanka ayaa lagu Xusay in Ruux Soomaali ah oo lagu magacaabo, Maxamed Xasan Siciid oo 27-jir ah uu qirtay dambi lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu taageero dhaqaale u diri jiray Al-shabaabta Soomaaliya, Al-Qaacida Ciraaq iyo kooxda Al-Nusrah ee ka Dagaallanta dalka Suuriya.

Sidoo kale, Ruuxan Tuhmanaha ah ayaa Sheegay inuu Lacag gaaraya 11,600 oo Doollarka Mareykanka ah uu u diray kooxahan, isagoo Lacagtaas mariyay Ruux kale oo magaciisa uu ku sheegay Gufran Ahmed Mohammed.

RW Farmaajo ayaa ugu baaqay Dhinacyada ka Walaacsan Weerarrada Al-shabaab ay iska kaashadaan sidii ay uga hortegi lahaayeen Kooxdan.

“Xubnaha ka tirsan kooxdan ka tirsan ma badbaadi karaan Haddii Shacabka Soomaaliyeed la garabsado, waana taas tallaabadan looga baahan yahay Dowladda Somalia in ay qaaddo,” ayuu hadalkiisa ku daray RW hore ee Somalia Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ka Weydiistay Xukuumadda Somalia inay si dhow ula shaqeyso dhiggeeda Kenya, taasoo uu xusay inay xudun u tahay sidii looga guuleysan lahaa Kooxda Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa weli ka talisa qaybo ka mid ah Somalia, iyagoo weerarro kala duwan ka geystay gudaha Somalia gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo Kenya oo magaalooyin badan ay weerareen.

Weerarradii ay Al-shabaab mas’uuliyaddooda sheegatay ee ay Kenya ka fulisay ayaa waxaa ka mid ahaa kuwii ay ku qaadday Westgate Mall saddex sano ka hor iyo midkii Jaamacadda Gaarisa oo ay geysatay Horraantii sannadkan, kuwaasoo ay ku dishay boqolaal qof oo Kenyan ah.

Ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah ciidamada AMISOM ee ka socda Waddamada; Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Itoobiya; iyagoo ka howlgala Degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo uu ka taliyo Maamulka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Somalia Farmaajo ayaa sheegay in Kenya ay dadaallo u gashay sidii ay Somalia uga caawin lahayd dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo sheegay in Dowladda Somalia iyadana looga baahan yahay inay Kenya kala shaqeyso istiraatiijiyadaha lagama maarmaanka u ah in kooxdan Argagaxisada ah laga adkaado.

“Xukuumadda Muqdisho waxaa inay dhisto kalsoonida kala dhexeysa Kenya oo ay dano-wadaag yihiin, ayna kala shaqeyso qorshayaasha lagula dagaallamayo Argagaxisada,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.

Mudane Farmaajo wuxuu intaa ku daray inuu yahay Murashax ka Qayb-galaya doorashada 2016-ka ka dhacaysa Soomaaliya, Wuxuuna Xusay inuu u Tartamayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

“Haddii xilka la ii doorto, qorshayaashayda waxaa ka mid ah xaqiijinta sidii deggenaasho ay ugu soo noqon lahayd Goobaha ay Al-shabaab ka Taliso, dibna aan ugu soo celiyo Gacanta xukuumadda,” ayuu Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay sidoo kale xaqiijin doonto inay ciidamadu helaan xuquuqdooda, sida in mushaaraadkooda la siiyo bil walba iyo in waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin loo diyaariyo.

Ugu dambeyn, ciidamada Kenya kaga sugan Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 3,664 askari, kuwaasoo soo galay Somalia sannadkii 2011-kii, iyagoo ku biiray Howlgalka AMSIOM Bishii Feberaayo ee Sannadkii 2012-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya