4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Wasaarada Ganacsiga Somaliland oo Jawaab ka bixisay Go’aankii ay Qaateen Golaha Guurtida

Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa ka Hadashay Go’aanka Golaha Wakiilladu ay ku laleen Heshiishkii ay Xukuumaddu Shirkado ugu Wareejinayso Kaydka Haamaha Shidaalka Berbera.

Wasaarada Ganacsiga ayaa shaaciyay in aanay jirin weli cid ay heshiish ay la galeen, isla markaana go’aankaasi golaha ku tilmaamay qaar ay wateen xisbiyadda mucaaradka oo danno siyaasadeed ka lahaa, isla markaana sheegay in aanu goluhu sharci u lahayn inuu laalo heshiishyo aan loo soo gudbin.

“Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga  Caalamiga ah ee Somalialnd waa wasaaradda u xil-saaran Qaranka Somaliland Maamulka Guud Ee Haamaha Shidaalka Berbera  Waxaa ay gali Karaan hishiisyo Ganacsi iyo Maalgashi iyadoo ka wakiil Ah Xukuumadda, Arintaasina Waxaa u banneeyay Dastuurka Somaliland, ma jiro heshiis ku saabsan Haamaha Kaydka Shidaalka oo aanu u Gudbinay Xukuumadda, Madaxweynuhuna u Gudbiyey... Golaha Wakiilada”ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Muuse Qaasim oo ka hadlayey go’aanka golaha ka soo baxay .

Waxaanu intaa ku daray. “Sidaas awgeed la garan maayo waxaa ay laaleen golaha wakiilada JSL, Xaqna uma laha inay ka hadlaan, ka doodaan ama ay yiraahdaan Qaarar ayaanu ka soo saarnay heshiis aanay u soo gudbin xukuumadda iyaga oo ku shaqaynaya warar ku-tiri-ku-teen ah.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Talaabadan ay maanta qaadeenaa Waa Mid Khilaafsan Shuruucda Dalka Iyo Distoorka Jsl .Talaabadan  Waxaa Ka Danbeeyey Qaar Ka Mid Ah Asxaabta Siyaasada Kumana Haboona In Horumarinta Mashaariicda Qaranka La Isku Hor Taago Oo Lagu Caqabadeeyo Dano Siyaasadeed Oo Gaar Ah” .

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland