4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Taliska Taraafikada Muqdisho oo ka Warbixiyay shilalkii bilihii u dambeeyay ka dhacay Muqdisho


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Taliska Ciidamada Nabadgelyada Waddooyinka ayaa Maanta Faahfaahin ka bixiyay Shilalka Gaadiidka ee Muqdisho ka dhacay iyo Waxyaabaha Sababa, iyadoo talisku sheegay in shilalku ay bateen, ayna jiraan Gaadiidka Qaarkood laga mamnuucay inay maraan Waddada Maka-Al-mukarama.

Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-Gaab) oo ah taliyaha ciidamada taraafikada Xamar oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay shilal dhowr ah dhaceen Muqdisho.

“Shilkii Guud  ee dhacay labadii bil ee u dambeeyay tiradoodu waa 126, waxaa ku dhintay shan qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 62-qof oo 13 ka mid ah yihiin kuwo dhaawac culus qaba, halka 49 qof oo kalena ay soo gaareen dhaawacyo fudud. Khasaaraha gaadiidka waa 237-gaari, Gaadiidka Booliiska Siddeed Shil ayay galeen, gaadiidka xoogga dalka ma jirin shilal ay galeen, kuwa Asluubtana shil ma gelin, kuwa nabad-sugida Afar shil ayay galeen, Gaadiidka AMISOM labo shil ayay galeen,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Isagoo sii hadalaya ayuu taliyuhu mar kale yiri. “Mootooyinka caadi ah 12-shil ayay galeen, kuwa Bajaajta 46 shil ayay gashay, Gaari Dameerrada labo Shil ayay galeen, halka gaari-gacannaduna aysan jirin wax shil ah oo ay galeen.”

Jen. Cali Cali gaab ayaa hoosta ka xariiqay in talisku uu gaadiidka Qaarkood ka macnuucay isticmaalka Waddada Maka-Al-Mukarama, isgagoo sharraxaad ka bixiyay noocyada gaadiid ee uu talisku ka mamnucay Waddadaas.

“Gaadiidka Xamuulka iyo kuwa Dhagaxda-qaada, Waddada Maka Al-mukarama waa laga mamnuucay, sida aad og-tihiin digniin ayaa la siiyay, haddii la qabto gaadiid kuwa dhagaxa-Qaada ah oo Waddada Maka Al-mukarama maraya, looma eegayo inuu sharciga gaadiidka wato, sida fursadda Wadidda Gaadiidka ee License, Buugga gaariga iyo taargada ee waxaa lagu ganaaxayaa lacag badan,” ayuu yiri Jen. Cali Gaab.

Ugu dambeyn, Ciidamada ilaalada Nabad-galyada Waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaan ayaa qayb ka qata ilaalinta isku socodka gaadiidka ee waddooyinka kala duwan ee ku yaalla Muqdisho; kuwaasoo ay ka dhacaan shilalka gaadiidka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya