4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
FAAHFAAHIN: Safarkii RW Somalia iyo Wafdi uu Hogaaminayo ay Maanta ku tageen Kismaayo (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Wafdigan oo uu Hogaaminayo RW Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta kasoo Dagay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo ay wehlinayeen masuuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Gudaha, C/raxmaan Odowaa, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiir ku-xigeenno iyo xubno ka tirsan Golaha Baarlamanka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe), ku-xigeenkiisa, C/qaadir Xaaji Maxamuud Lugadheere, Wasiirro iyo Masuuliyiyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubbaland.

RW Somalia iyo wafdigiisa ayaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Jubbaland, halkaasoo Madaxweynaha iyo raysul wasaaraha ay ku qaateen kulan gaar ah oo ay labadooda oo qura ku wada hadlayeen, waxaana xigay kulamo gooni gooni ah oo ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd oo ay yeesheen wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya iyo madaxda Jubbaland.

DAAWO: Safarka RW Somalia iyo Wafdi uu Horkacayo ay ku Tageen Kismaayo;

Madaxda oo Saxaafadda la hadlay kaddib kulankooda ayaa waxay sheegeen in ay ka wada hadleen Arrimo ay kamid yihiin sidii loo dhisi lahaa Guddiyo ay labada dhinac Hore isugu Af-garteen in la dhiso, kuwaasoo ka shaqeyn doonaa sidii loo xallin lahaa is-fahan-waaga siyaasadeed ee ka dhex aloosan dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland iyo weliba sidii xal waara looga gaari lahaa arimahaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa waxa ay sheegeen in ay isku afgarteen dhammaan arimihii ay ka wada hadleen isla markaana ay ku heshiiyeen in ay si wadajir ah uga Shaqeeyaan Danta Guud ee umadda Soomaaliyeed.

Booqashada Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku yimid Magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmeeysa xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kaasoo ka dhashay kadib markii xubno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku diideen baarlamanka Jubbaland, kaasoo ay ku tilmaameen in uu yahay mid sharci darro ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya