4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Golaha wakiilada Somaliland oo diiday in keydka Shidaalka Berbera lagu Wareejiyo Shirkado (SAWIRRO)


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta diiday inay Heshiish Xukuumaddu la gashay Shirkaddo Gaar ah si ay Haamaha Shiidaalka Kaydka Berbera ugu Wareejiso.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa Mooshin ka dhan ah Heshiish ay Xukuumaddu la gashay shirkaddo gaar ah si ay ugu wareejiso Haamaha shiidaaka Berbera kuwaas oo ay ku tilmaameen mid kooto loogu xidhayo shirkaddo gaar ah oo aanay dadku u sinayn taas oo sharci jabin ku tilmaameen.

Xidhibaan Maxamed Saalax oo golaha ka hor akriyey mooshinkan ayaa sheegay inuu mooshinkani daaran yahay sida aanay sharci u ahayn in cid gaar ah lagu wareejiyo Kaydka Haamaha Berbera, isla markana xusay in goluhu doonayo in dawladdu maamusho lana hoos geeyo wasaaradda Ganacsiga.

“Mooshinkani wuxu ku saabsan yahay heshiishyadda xukuumaddu ku doonayso inay ku wareejiso Haamaha Berbera waxaana diidaya qodobka 22 aad ee dastuurka oo sheegay in aan cid gaar ah kooto loogu xidhi Karin Haamaha shiidaalka iyo goobaha dawladda haddii cid kale agu wareejinayaya tartan loo galayo si muwaadin kasta ula tartamo “ayuu yidhi Maxamed Saalax oo ka mid aha xildhibaanadda mooshinka wadday.

Intaas kaddib Guddomiyaha golaha Wakiilada C/raxman Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa sheegay in loo codeeyo mooshinka; waxaana in heshiishkan la laalo ogolaaday 40 xildhibaan halka sagaal xildhibaana diideen laalistaasi shan kalana ka aamusee gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Guddoomiye xigeenka koowaad ee Wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo mudaneyaal taageersanaa heshiiska xukumaddu ku wareejinayso Haamaha ayaa fadhiga iskaga baxay kadib markii ay arkeen in aqlabiyadda goluhu diidan tahay heshiiskaasi, waxaana shir gudoonka golaha dhammeeyay Guddoomiye Cirro oo uu weheliyo kuxigeenka 2-aad Cali Aw Yuusuf.

Qaraarka Holaha Wakiilladu ku Laaleen Wareejinta Haamaha Berbera ayaa ka Dambeeyay markii guddida ilaalinta hantida qaranka iyo Daba-galka Musuq-maasuqa ee Wakiilladu soo saartay warbixin sheegaysa in xukumaddu sanadkii ka hesho Haamaha 24-milyan oo Dollar, sidaas darteedna ay tahay hay’ad muhiim ah.

Si kastaba ha ahaatee ilaa hadda Xukuumaddu kama hadal Arrintaasi, waxayna Wareejinta Haamaha shiidaalka dadweynuhu intooda badan u arkeen khalad, iyadoo Mawduucani ahaa kii loogu hadal haynta badaa toddobaadkan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland