4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Dagaal kooxo hubeysan u dhexeeya oo Saaka ka dhacay Deegaanka Qoriley ee Gobolka Sool


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Dagaal Sababay Dhimasho iyo Dhaawac ayaa lagu soo Warramayaa inuu Saaka ka dhacay Tuulada Qoriley oo 86-KM Koonfur-bari kaga Aaddan Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Dagaalkan oo u dhaxeeya laba dhinac oo Sannado badan colaado dhexmarayeen inkastoo dhowr jeer oo hore lasoo afjaray, dagaalkan oo la sheegaey inay lix qof ku naf-waayeen; halka ay ku dhaawacmeen afar ruux oo kale.

Aadan Cabdi oo ku sugan deegaanka Qoriley ayaa HOL u sheegay in Dabley Hubaysan oo ka timid deegaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal ay soo weerareen tuulada; wuxuuna intaas ku daray inaan la sixi karin khasaaraha Madaama uu Deegaanku yahay mid Kaymo badan; balse buu yidhi dhimasho iyo dhawacba way jiraan labada dhinac.

Ma jiraan ilo Madax-bannaan oo laga heli karo Xaqiiqda dhabta ah ee Tuuladaas ka jirta; waxaase warar ku dhow goobta ay sheegayaan in ciidan urursi uu halkaasi ka jiro; lagana cabsi qabo in mar kale uu dagaal ka dhaco.

Ugu dambeyn, Sanand iyo Bar ayaa laga joogaa markii dhinacyo tuuladaas ku dagaallamay xabad joojin la dhex-dhigay; kaddib colaado u dhexeeyay 15-sano oo halkaas ka socday; iyadoo sida la xaqiijiyay ay colaaddan soo celisay markii 28-kii bishan dablay hubeysani ay weerartay nin ku sugnaa Agagaarka Cagaare oo aan wax badan ka fogayn tuulada Qoriley.

Seynab Cabdi Warsame,Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood,Soomaaliya