4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Ra’iisul Wasaaraha Somalia iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta Gaaray Magaalada Kisamayo


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose; Halkaasoo kusoo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaas.

Booqashada oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay la hadal-hayay ayaa waxa la sheegey inay la xiriirto dhamaysta muranno u dhexeeya Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamulka Jubbaland.

Murankan ayaa dhashay kaddib markii Baarlamaanka Somalia uu dhawaan cod kalsooni ah uu ku diiday Baarlamaanka Jubbaland, kaasoo la sheegay inaan si awood-qaybsi ah loosoo xulin.

Sidoo kale, wararka soo baxaya ayaa intaas ku daraya in RW Soomaaliya uu kulamo kula leeyahay Madaxtooyada Kismaayo Madaxweynaha Maamulka KMG-ka ah ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno kale.

Wixii kasoo kordha socdaalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ay Maanta ku tageen Kismaayo, waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya