4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Kooxo Hubeysan oo Xalay Degmada Xamar-jajab ku dilay Haweeney Guddoomiye Waaxeed ahayd


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Dabley aan la garanayn ayaa Xalay Degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir ku dilay Haweeney Guddoomiye Waaxeedyad Degmadaas ka ahayd.

Marxuumadda ayaa lagu magacaabi jiray, Siciido Sheekh Mursal iyadoo markii hore uu dhaawac culus soo gaaray, balse xilli u geeriyootay dhaawacaas, lamina oga illaa hadda ciddii dilkeeda ka dambeysay iyo sababta loo dilay labadaba.

Saraakiisha Booliiska Degmada Xamar-jajab ayaa xaqiijiyay falka haweeneydan lagu dilay, iyagoo xusay inay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeyay dilkaas.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, balse dilalkaan oo kale ayaa waxaa horay u sheegatay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo Ciidamada Caawinaya ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ee Xarunta Soomaaliya ayaa waxaa horay loogu dilay Guddoomiye Waaxeedyo iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Somalia iyo weliba Maamulka Gobolka Banaadir ka tirsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya