4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 30, 2015
Wasiiradda Haweenka Soomaaliya oo ka hadashay Xaaladaha ka jirta Magaalada Marka


Axad, Ogoosto 30, 2015 (HOL) — Wasiiradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo ka mid ah Mas’uuliyiintii Dowladda ee shalay tagay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegtay in Booqashadeeda Marko ay tahay sidii ay wax uga ogaan lahayd tacadiyada ay la kulmaan shacabka Marka ku nool.

Magaalada Marka ayaa waxaa shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, iyagoo kulammo la qaatay saraakiisha AMISOM ee degmaadaas ku sugan.

“Aniga halkan uma imaan howlo siyaasadeed ee waxaan u imid dhibaatooyinka Xuquuqul Insaanka ee ka jira Marka inaan ogaado, waxayna ahayd inaan mar hore imaado si aan wax badan uga ogaado xaadaladaha shacabka,” ayay qaar ka mid ah shacabka degmadaas u sheegtay wasiiradda haweenka Sahro.

Sidoo kale, Wasiiradda Haweenka ayaa shacbka ku nool Marka uga tacsiyeyshay dilkii loo geystay bishii hore koox dad ah oo ku sugnaa xaflad aroos, kuwaasoo ay dileen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna sheegay in degmada Marka dhawaan ay noqon doonto meel ammaan ahaan aad u wanaagsan, shacabka degmadaas ku noolna ay heli doonaan ammaan buuxa.

“Al-shabaab yaanan laga cabsan Alle ayaa Wax Dila, Al-shabaab dhawaan waa laga adkaan doonaa ee aan iska dhicinno innagoo wadajirna,” ayuu isna ka sheegay Magaalada Marka Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo isna ka hadlay xaaladda ka jirta Degmada Marka ayaa sheegay in degmadaasa ay tahay degmo la dayacay oo aanu ka jirn amni la isku halleyn karo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya