10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 12, 2015
Hawl-wadeenada Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo lagu ammaanay wax-qabadkooda (SAWIRRO)


Arbaco, Ogoosto 12, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Kormeeray Xarunta Bankiga Dhexe ee Somalia, isagoo u kuur-galayay Hab-sami u socodka Hawlaha Bangiga Dhexe.

Xasan Sheekh ayaa Waxaa Bagiga kusoo Dhaweeyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somalia, Bashiir Ciise Cali, Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga, Maryan C/llaahi Yuusuf iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa madaxda Bangiga dhexe kala hadlay Qorshaha Dowladdu ku doonayso in la sameeyo lacag Shillin Soomaali ah oo wax looga Qabanayo dhaqaalaha dalka, horumarinta hawlaha la xiriira maareynta maaliyadda iyo Qaabeynta Hay’adaha Maaliyadda ee Dalka ka Hawl-gala.

Ugu dambeyn, Madaxda Bangiga Dhexe ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga Warbixiyay hawlaha bangiga ka socda, tayeynta adeegyada iyo dadaalka uu Bangiga ugu jiro inuu si buuxda dib ugu soo nooleeyo dhamaan Adeegyadii muhiimka ahaa ee uu Qaranka u hayay.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya