4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Kenya oo baahisay Sawirrada Rag ay ku eedeysay inay dalkeeda ka fulin rabeen Weerar Argagaxiso


Khamiis, Abriil 31, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa maanta soo bandhigtay sawirada afar ruux oo ay sheegtay inay doonayeen inay weerarro argagaxiso ka fuliayaan dhamaadka toddobaadkan deegaanno ku yaalla xeebta dalka Kenya.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa sheegay in warbixinno dhanka sirdoon ah oo ay heleen ay muujinayaan in raggan ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee Somalia ka dagaalanta; iyagoo intaas raacisay inay suuro-gal tahay inay ku socdeen amar ay saraakiishooda kusoo siiyeen inay weerarro ka fuliyaan deegaanno dalkooda ka tirsan.

C/qaadir Abuubakar C/qaadir oo ka mid ah afartaan qof ee la qabtay ayay booliisku Kenya sheegeen inuu la dhashay gabar ka mid ahayd haween saddex ahaa oo booliiska Kenya ay dhawaan ka qabteen Mandhera, iyagoo doonayay inay u tallaabaan dhanka Soomaaliya.

Haweenka saddexda ah ayaa la qabtay bishii lasoo dhaafay ee Maarso, iyagoo booliisku ay sheegeen inay doonayeen inay ka mid noqdaan Al-shabaab oo weerarro is-daba-joog ah ka geysata gudaha dalka Kenya.

Sidoo kale, ciidamada ammaanka Kenya ayaa baadi-goob ku haya Issa Abdallah Kauni oo kasoo jeeda magaalada Mandheera, kaasoo waaliddiintiis ay sheegeen inuu ka maqan yaha tan iyo sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii, iyadoo waalidkiis ay u diiwaan-geliyeen sidii qof la waayay.

Xukuumadda Kenya ayaa rumeysan in Issa Abdallah uu aaday Soomaaliya si uu ugu biiro Al-shabaab, iyadoo la sheegay inuu xiriir dhow la lahaa mid ka mid ah ragga sawirradooda lasoo bandhigay maanta.

Axmed Siciid Cumar (Dogo) iyo Xuseen Siciid Cumar (Babli) oo ka mid ah afarta wiil ee la soo bandhigay sawirradooda laguna eedeeyay inay doonayeen inay gobolka xeebta Kenya ka fuliyaan weerarro argagaxiso ayaa la sheegay in walaalo yihiin.

Dhanka kale, afartaan wiil oo si aad ah ay u raadinaysay xukuumadda Kenya ayaa waxaa madaxooda horay loo saaray lacago abaal-marin ah oo gaaraysa labo milyan lacagta Kenya, si xogtooda loo helo.

Ugu dambeyn, hay’adaha amniga Kenya ayaa qaaday tallaabooyin jawaab looga bixinayo weerarkii 02-dii bishii Al-shabaab ay Al-shabaab ku qaadday Jaamacadda Gaarisa, kaasoo lagu dliay 148-qof ruux oo arday u badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya