4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Ardaydii ugu Horreysay oo ka Qalin-jabiyay Kuliyadda Caafimaadka Jaamacada Banaadir (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Ardaydii ugu horreeyay ayaa ka qelin-jebiyay kulliyada culuunta caafimaadka ee Jaamacada Banaadir, kuwaasoo tiradoodu gaareyso illaa 31-arday oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa xaflad loogu qabtay maanta xarunta Jaamacadda ay ku leedahay Muqdisho.

Xafladda waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin, arday iyo macallimiin ka tirsan Jaamacadda Banaadir iyo dad kale oo lagu casuumay, iyadoo ardaydu isla xafladdan lagu soo bandhigay cilmi-baaris ay kusoo sameeyeen qaybo ka mid ah caafimaadka guud iyo bulshada.

Hormuudka kulliyada Caafimaadka Jaamacadda Banaadir, Dr. Xasan Nuur Warsame oo ka hadlay munaasabaddaas ayaa sheegay in ardayda maanta qalin-jebinaysa ay gaarayaan 31-arday oo ka kooban lix gabdhood iyo 25 wiil, kuwaasoo soo dhameystay koorso dhameystir ah oo sanad soconaysay taasoo ay ku barteen kalkaaliyenimo iyo Umulisonimo.

“Sida caadiga ah ardayda kulliyada caafimaadka waxay ku qalin-jebiyaan afar sano, laakiin ardaydan 31-ka ah waxay saddex sano u soo dhigteen machadka SOS, annaguna waxaan siinnay hal sano oo dhameystir ah oo ay ku helayaan shahaadada waxbarashada heerka koowaad ee Bachelor,” ayuu yiri hormuudka kulliyada culuunta caafimaadka Jaamacadda Banaadir.  

Dr. Xasan Nuur ayaa sheegay in kulliyada caafimaadka la aasaasay sanadkii 2013-kii ayna iska kaashadeen aasaaskeeda Jaamacadda Banaadir iyo hay’adda Doctors World wide ee dalka Turkiga, isagoo xusay in ujeeddada laga lahaa ay ahayd inay dhameystirto cudduda dhexe ee shaqaalaha caafimaadka marka laga soo tago dhakhaatiirta, lana helo kalkaaliye-yaal, kuwaasoo haddii aan la helin uu lumayo miisaanka adeegga caafimaad ee bulshada, wuxuuna intaa ku daray in ardayda kulliyada dhigatay ay gaarayeen 205-arday marka lagu daro 31-ka maanta qalin-jabisay.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna hadlay ayaa u hambalyeeyay ardayda qalin-jabisay , isagoo amaanay dadaalkii ay muujiyeen muddadii sanadka ahayd ee Jaamacadda ay wax ka baranayeen.

“Farxad ayay ii tahay inaan idin kala soo qayb-galo munaasabadan aad ku qalin-jabinaysaan maanta idinkoo bartay caafimaadka, wixii ka dambeeya maanta waxaad ka tirsan tihiin bahda caafimaadka mas’uuuliyad weyn ayaadna qaadaysaan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri. “Maadaama aad qalin-jabiseen sidaas ma idiin kaga harayso Jaamacadda, waxaad xubno ka noqon doontaan dalladda ama ururka ay ku mideysan yihiin ardayda ka baxday Jaamacadda. Waxaanan u qaadan doonaa qaarkiin macallimiin, waxaan ku dadaalaynaa inaan idin la raadinno shaqooyin.”

Ugu dambeyn, waxaa xafladda ka hadlay arday lagu magacaabo Maxamed Yuusuf oo ku hadlayay magaca ardayda qalin-jabisay maanta isagoo xusay in muddadii sanadka ahayd ee ay wax ka dhiganayeen kulliyada culuunta caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir ay wax badan ka kororasdeen, isagoo u mahad-celiyay maamulka iyo macalimiinta Jaamacada Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya