4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Shir looga Hadlay Hal-abuurka iyo Horumarinta Ganacsiga oo lagu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Jaamacadda SIMAD ayaa maanta Muqdisho ku qabtay shir-cilmiyeed ku saabsan ganacsiga iyo hal-abuurka (Entrepreneurship) oo ay kasoo qayb-galeen cilmi-baarayaal, ganacsato iyo xubno ka socday qaybaha bulshada.

Shirkan ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay in lagu soo bandhigo cilmi-baaris ay aqoonyahanno Soomaaliyeed ku sameeyeen caqabadaha ganacsiga dalka horyaalla iyo sidii xal loogu heli lahaa. Sidoo kale cilmi-baareyaasha ayaa ka hadlay fursadaha ganacsi ee Soomaaliya ka jira.

Intii uu socdya kulanka waxaa hadallo ka jeediyay ganacsatadii goobjoogga ka ahaa oo ku dheeraaday ka hadalka waxyaabaha sababa in ganacsiyada yar-yar ee ganacsatadu ay ka abuuraan dalka ay burburaan iyagoo aan waqti dheer jirin iyo sidii xal loogu heli lahaa, isla markaana loo dhiirri-gelin lahaa ganacsatadana dalka.

“Waxyaabaha sababa in ganacsiyo badan oo ganacsato Soomaaliyeed ay furteen ay bur-buraan waxaa ka mid ah in dadkeennu ay sameeyaan ganacsi isku eg oo u badan mid isku-dayasho ah,” ayuu yiri Axmed Cali Suldaan oo ah ganacsade iyo macallin ka tirsan Jaamacadda SIMAD.

Sidoo kale, Suldaan wuxuu mar kale yiri. “Burburka waxaa kaloo sabab u ah ganacsiyada qaar ay keenaan wixii ganacsadaha kale uu keeno, taasoo laga min-guuriyay ganacsadihii keenista alaabta ku horreeyay, taasoo niyad-jab ku keenta ku keenaysa. Waxaana looga gudbi karaa in ganacsatadu ay dul-qaad u yeeshaan marka ay billaabayaan howsha ganacsiga.“

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Daahir Xasan Cabdi Daahir Carab oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankan uu noqon doono sanadle ay Jaamacaddu hormuud ka tahay; isla markana ay dadaal weyn u geli doonaan in gobollada dalka oo dhan ay gaarsiiyaan.

“Insha Allaah shirkan wuxuu noqon doonaa mid sanadle ah oo sanad kasta la qaban doono, isagoo intaan kasii ballaaran; kani waa kii koowaad waxaan gaarsiin doonaa gobollada dalka oo dhan si ganacsiga dalkeenu uu meel sare gaaro,” ayuu yiri Daahir Carab.

Ugu dambeyn, shirkan ayaa loogu talo-galay in bahda Waxbarashada dalka iyo ganacsatada ay isku dhaafsadaan aragtiyada la xiriira ganacsiga iyo caqadaha ku iman kara, iyadoo cilmi-baareyaal badan ay soo bandhigeen sababaha keena in ganacsigu uu guul-darreysto, taasoo ay sabab u tahay arrimo ay ka mid yihiin in maal-geliyeyaashu ay hal ganacsi wada-furaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya