4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Booqasho uu Bill Clinton ku Imaan lahaa Dalka Kenya oo si Khasab ah loogu Weeyay Tanzania


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Bill Clinton oo ay weheliso gabadhiisa Chelsea Clinton ayaa la filayaa inay dalka Kenya maanta booqasho ku yimaadaan ayaa si khasab ah diyaaradii waday loogu dajiyay dalka Tanzania.

Afhayeen u hadlay Clinton oo lagu magacaabo Matt McKenna, ayaa sheegay in diyaarad khaas ah oo siday Madaxweynihii hore ee Maraykanka, si lama filaan ah loogu dajiyay wadanka Tanzania kadib markii mid ka mid ah Matoorada diyaaradaas ay cilad gashay.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay afhayeenkaas inuu nabad-qabaan Bill Clinton iyo Gabadhiisa Chelsea oo diyaaradaas wada saarnaa.

Dhanka kale ujeedda safarka Clinton uu ku imaanaayo Kenya, ayaa waxaa lagu sheegay iney tahay mid uu kula soconaayo Mashaariicda dhanka waxbarashada iyo horumarinta haweenka ah oo ay maalgeliyaan Hay'addaha uu hormuud ka yahay ee kala ah Clinton Foundation iyo Clinton Global Initiative.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in inta uu joogo Kenya uu booqdo xarunta wax-barashada haweenka ee ku shaqeyso barnaamijka hanaanka Solar-ka iyo xarun waxbarasho oo ku taallo agagaarka xaafada Isku raranta ah ee Kibera, kuwaasoo hoos tagto Mashaariicda ay hay'adiisu bixiso.

Si kastaba ha haatee, booqashada Clinton uu ku imaanaayo saacadaha soo socdo wadanka Kenya, ayaa waxey ku soo aadeysaa ayadoo horay loo qorsheeyay bisha July ee sanadkan, inuu Kenya booqasho ku imaan doono Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Amina Mohamed, ayaa arbacadii aynu soo dhaafnay booqatay Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Nairobi, waxeyna warbixin ka siisay diyaar-garowga safarka Obama iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry oo isna la filaayo Isniinta soo socoto inuu safar ku imaan doono dalka Kenya.

Ugu dambeyn, Clinton - Madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa inta uu joogo qaarada africa waxaa la sheegay inuu booqan doonaan wadamo kale oo ay kamid yihiin Liberia iyo Morocco, kuwaasoo hay'adiisa ay ka wado barnaamijyo horumarineyd.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya