4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Tababar Wacyigalin ah oo Maanta lagu soo gunaanaday Magaalada Beledweyne [SAWIRRO]


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Tababarka oo socday muddo shan maalmood ah ayaa oo ay ka qaybgaleen xubno laga soo kala xulay xaafadaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo la baray 'Lahaanshaha'' iyo in bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne si wadajir ah uga qayb-qaataan mashaariicda kala duwan ee ka socda magaalada, gaar ahaan dhismaha garoonka kubada cagta.

Wakiilka hay'adda tababarka soo gabagabeysay SOLUTION FOR HUMANIT Y ''SFH'' Cabdiwahaab Abuukar Xassan ayaa HOL u sheegay in ujeeddada laga lahaa tababarka uu ahaa kaliya in bulshada lagu booriyo in ay si wadda jir ah u ilaashadaan mashaarciida danta guud ee mustaqbalka anfidi doona, si gaar ah waxaa uu farta ugu fiiqay dhismaha garoonka kubada cagta ee laga her-galinayo magaalada Beledweyne.

''Muddada shanta maalmood ah waxaa uu tababarku ku saabsanaa kaliya sare u qaadista wacyiga bulshada in ay ka faa'ideystaan dib -u-dhiska iyo mashaariicda socta, si gaar ah waxaa diiradda ugu saarnay tababarkaan mashuurca dhismaha garoonka kubada cagta oo ah mid bulshada oo dhan quseeya,'' ayuu yiri C/wahaab Abuukar.

Ka qeyb-galayaasha ayaa intii uu socday tababarka booqday halka laga dhisayo garoonka kubada cagta, iyaga oo halkaa warbixinno uga dhageystay howl-wadeenada dhismaha.

Tababarka oo noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ayaa waxaa si aad u weyn u soo dhaweeyay qaybaha bulshada ku nool Baladweyne oo sheegay in loo baahnaa siminnaaro wacyi-galin ah oo dadka ku dhiiri-galinaya inay wada-ilaashadaan goobaha danta guud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya