4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Xukuumada Somalia oo Maanta Taliyeyaal cusub u Magacowday Ciidamada Booliiska iyo Asluubta


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Kulan ay golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa taliyeyaal cusub loogu kala magacaabay ciidamada booliiska iyo Asluubta Soomaaliya.

Taliyaha Booliiska Somalia ayaa waxaa loo magacabaay wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, iyadoo taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Somalia isla loo magacabaay, Jen. Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo noqday taliyihii hore ee nabadsugidda Somalia.

Jen. Xaamud ayaa xilka kala wareegi doona taliyihii KMG-ka ahaa ee Booliiska Soomaaliya Jen. Cismaan Gas-Gas oo xilkaas loo dhiibay markii uu si lama filaan ah ugu Geeriyooday Muqdisho sanadkii hore ee 2014 taliyihii hore ee booliiska Somalia Jen. Maxamed Faarax Ismaaciil.

Taliyaha cusub ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Jen. Bashiir Goobbe ayaa isna wuxuu bedeli doonaa taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Somalia, Jen. Xuseen Xasan Cismaan; iyadoo xukuumaddu aysan sheegin sababta isbedelkan keentay.

Sidoo kale, magacaabida taliyeyaasha booliiska iyo Asluubta Somalia ayaa kusoo aadaysaa iyadoo la hadal-hayo in isbedello guud lagu  sameyn doono taliyeyaasha ciidamada guud ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirka golaha wasiirrada looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin amniga dalka, waxaana lagu dhageystay warbixinno ay kasoo jeediyeen kulanka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka iyo wasiirro kale oo safarro ku tagay gobollada waddanka qaar ka mid ah.

Ugu dambeyn, kulankan ayay wasaaradda cadaaladdu hor-keentay sharci ku saabsan habka loola dhaqmayo dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ee soo goosanaya. iyadoo dood kaddib ay golaha wasiirradu ay ansixiyeen sharcigan oo la sheegay inuu yahay mid furad-siinaya dadka doonaya inay Al-shabaab kasoo goostaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya