4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
QAYBDIID: Dowladda Somalia Waxay Fara-gelin Qaawan ku haysaa Shirka ka Socda Cadaado


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Gal-mudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa sheegay in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka loo daayo soo xulista iyo hoggaaminta shirka ka socda magaalada Cadaado ee lagu dhisayo maamulka Gobollada Dhexe.

Jen. Qeybdiid oo warramayay BBC-da ayaa ku eedeeyay Dowladda Somalia inay shirkaas ku hayso fara-gelin qaawan oo xishood la'aan ah. Isagoo hadalkan sheegay Cadaado oo uu kaga qayb-galayo shirka shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galguduud.

“Maalmahan waxaa socday shirar looga tashanayay dhibaatada soo dhex-gashay odayaasha dhaqanka ee uu sharcigu siinayay inay hoggaamiyaan shirka ayaa waxaa soo dhex-galay dad aan dhaqan ahayn oo in badan oo ka mid ah Muqdisho inay galeen booskii oday-dhaqameedyadii soo jireenka ahaa; marka carada salaaddiintana taas ayaa keentay,” ayuu yiri Jen. Cabdi Qaybdiid oo BBC-da uga warramayay Guddigii Farsamada ee u xil-saarnaa dhismaha maamulka Gobollada Dhexe oo odayaashu ay shalay kala direen.

Su’aal ahayd dadka laga keenay Muqdisho ee galay boosaskii odayaasha dhaqanka ee aad sheegayso maxay yihiin; ayuu kaga jawaabay. “Waa dad loo keenay magaalada Cadaado ololaha shirka, kuwaasoo ay soo siisay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia kaarar ay ku qoran yihiin inuu yahay ugaaskii, nabaddoonkii ama duubkii reer hebel; waxaana halkaan loo keenay dano gaar ah, dowladda Soomaaliya ayaana arrintan wadata.”

Cabdi Qaybdiid ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Somalia inay fara-gelin qaawan oo xishood la’aan ah ay ku hayso shirka lagu soo dhisayo maamulka Gobollada Dhexe ee ka socda degmada Cadaado.

Waxaa kaloo Jen. Cabdi Qaybdiid la weydiiyay inay dowladda Somalia ee ay eedeynayaan ay kala hadleen arrintan ayuu ku jawaabay. “Dhegaha ayay dowladda Somalia arrintan ka fureysatay, waxaana kala weyn danaha siyaasadeed ee ay ka leedahay gobolladaan. Waana taas midda inay oday-dhaqameedyadu ku dhawaaqeen inay kala diraan guddigii farsamada, hana lasoo dhiso kuwo cusub. Marka haddii dadka loo ogolaan lahaa inay aayo-ka-talin-tooda ka tashadaan ma dhici lahayn waxaan oo dhibaato ah.”

Madaxweynaha Galmudug oo mar kale la weydiiyay – Dhibaato sow ma ahan in shirku uu qolo gaar ah oo dantooda eeganaysa u burburo, ayuu xusay in arrintu aysan sidaas ahayn. Balse arrintan waxa ka hadlay ay yihiin dadkii shirka loo dhigay, wayna nagu raacsan yihiin arrinta ku saabsan faragelinada lagu hayo shirka.

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay Jen. Qaybdiid in arrintan ay u raadiyaan xal ayaa wuxuu sheegay in xal loo helayo, ayna 10-kii bilood ee ay shirkaan soo wadeen ay doonayeen inay maalin uun arkaan in bulshada Gobollada Dhexe ay sameystaan maamul ay iyagu leeyihiin oo ay hoggaankiisa soo doorteen.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa iska fogeysay inay wax faragelin ah ku hayso shirka magaalada Cadaado, iyadoo jawaab ka bixinaysay hadalka madaxweynaha maamulka Galmudug Jen. Qaybdiid.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya