4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Shir looga tashanayay Maareynta badda Somalia oo Mombasa lagu soo Gunaanaday (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Shir ay soo qaban-qaabisay hay’adda QM u qaabilsan Badaha dunida ee IMO - International Maritime Organization ayna fududeysay Wakaaladda Baddaha Kenya ee Kenya Maritime Authority, ayaa shalay lagu soo gunaanaday magaalada Mombasa ee gobalka Xeebta Kenya.

Shirkan oo looga hadlayay sidii loo maamuli lahaa loona maareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhaco Badda Somalia, ayaa waxaa lagu soo bandhigay sameynta Xafiis maamulla, kaasoo ka hortagi doono dhibaatooyinkaas. 

Sidoo kale, kulanka oo socotay mudo saddex cisho ah, ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimo Waaxeedyada Wasaaradda Gaadidka Badda iyo Dekedaha ee dowlada Somalia iyo xubno iskugu jiray Wasiiro iyo Agaasimayaal ka kala socday Maamaluda Puntland iyo Galmudug, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowlada Somalia Maxamed Cumar Caymooy oo furay shirkaas isla markaasna soo xiray.

Shirka oo talo aruurin u badnaa, ayaa waxaaa fekraddo kala duwan ka dhibtay Hay'adihii ka qeyb galay oo ay ka mid ahaayeen xafiiska howlgalka gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya UNSOM, Hay'aada Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha ee FAO, Guddoomiyaha Shirkadda Kalluumeysiga, Malaaq Maye iyo guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir-  Garyaqaan Hassan Maxamed Cali (Wariiri) oo ma talaalay hay’adda sharciyadda Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyihii hore Ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Qare oo ka qeyb galay kulankaas, ayaa Hiiraan Online u sheegay in shirkaas u si wanaagsan ku soo gaba-gaboobay.

"Shirkaas wuxuu ahaa mid ahmiyad weyn ugu fadhiyo dadka Soomaaliyeed madaama ay dhibaatooyin kala duwan ay ka dhacaan Biyaha Soomaaliya, waxaana looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibkaas", ayuu yiri Faarax Qare oo qadka Taleefoonka ugu waramay HOL.

Si kastaba ha ahaatee, shirkan oo shalay lasoo gunaanaday Mombasa ayaa waxaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah, waxaana ay xubnihii ka qeyb galay kulankaas ay dib ugu balameen in mar kale ay iskugu yimaadaan shir kaas lamid ah oo la qaban doono bisha sagaalaad ee sanadkaan, si loogu sii amba qaado fulinta qodabadii ka soo baxay kulankaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya