4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Wufuud ka kala socda Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka oo soo Gaaray Kismaayo (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Wufuuddan oo ka socotay Midowga Yurub, safaaradaha dowladaha Talyaaniga iyo Sweden iyo weliba  bangiga adduunka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo iyagoo kulan la qaatay madax ka tirsan maamulka Jubbaland.

Wufuuddan ayaa markii ay soo gaareen garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubbaland Suldaan C/qaadir Xaaji Max’uud (Lugadheere) iyo xubno ka tirsan goleyaasha baarlamanka iyo wasiirada ee Jubbaland.

Madaxdan ayaa kulan ay saxaafaddu dibad joog ka ahayd ku qaatay hoolka shirarka ee garoonka Kismaayo, waxaana markii ay kulamadu soo dhamaadeen saxaafadda uga warbixiyay madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Suldaan C/qaadir Lugadheere.

Madaxweeyne kuxigeenka ayaa sheegay in madaxdan ka socotay beesha caalamka ay ka wada hadleen arimo ay kamid yihiin sidii loo horumarin lahaa arimaha bulshada, ammaanka, iyo weliba dib u dhiska, isagoo sheegay in madaxdan ka socotay Midowga Yurub iyo bankiga adduunka ay ballan qaadeen in ay barnaamijyo horumarineed si deg deg ah uga fulin doonaan gobollada Jubooyinka.

Madaxdii ka socotay Midowga Yurub ayaa iyaguna dhankooda sheegay in ay madaxda Jubbaland ay ka dhageysteen warbixinno kala duwan oo la xiriira arimaha bulshada, amniga iyo waxyaalaha ugu muhiimsan ee wax ka qabadka u baahan, waxayna sheegeen in ay soo dhaweeynayaan golaha baarlamanka Jubbaland ee dhawaan la magacaabay.

Imaatinka wafdiga ka socday Midowga Yurub ayaa kusoo beegmeeysa iyadoo dhawaan la dhameystiray golaha baarlamanka Jubbaland, islamarkaana la dhisay gudoomiyaha baarlamanka iyo kuxigeenadiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.