4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Mucaaradka Uganda oo ku eedeeyay Dowladda Uganda in ay Askar ka dhigayso Ardayda Dalkaas


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ugu baaqay shacabka dalkaas inay aadan xarumaha millateriga si ay u tababbartaan, ayna uga hortagaan weerarrada kaga imaan kara dalkaas Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa ka hadlay mucaaradka Uganda oo muujiyay inuu Museveni doonayo in shacabka Uganda uu ka wada dhigo ciidammo iyo kuwo ka qaybgalay dagaallada ka socda dalalka gobolka qaarkood.

Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay in ardayda ka baxa dugsiyada sare ee dalkaas la siin doono tababarro ciidan oo saddex bilood socon doona ka hor inta aanay gelin jaamacadaha.

Sidoo kale, arday tiradoodu tahay 1200 ayaa iska diiwan galisay xarumaha ciidamada si ay tababarro u qaataan; kuwaasoo doonaya inay hadalkii kasoo baxay madaxweynaha Uganda u hoggaansamaan.

Xildhibaan hore uga tirsanaa baarlamaanka Kenya, Beatrice Byenkya ayaa soo dhaweeyay qorsshaha Museveni; wuxuuna xusay inay billowdeen arday durba soo codsanaysa inay tababarka ciidamadan ka qayb-qaataan.

Afhayeenka xukuumada Uganda, Ofwono Opondo ayaa sheegay in ardayda qorshahan loo diyaariyay hadafkoodu uu yahay inay ka feejignaadaan iskku-day walba oo Al-shabaab ay ku doonayso inay kusoo weerarto Uganda.

Museveni ayaa warbixin uu ku qoray jariidadda News Vision wuuxu horaantii todobaadkan ku sheegay nidaamka tababarka inuu yahay mid ka hor-istaagi ka Al-shabaab inay weerarro soo qaadaan.

Wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya ayaa iyadana sheegtay inaysan jirin qorshe lagu hubeysan shacabka dalka Uganda, balse la doonayo in la baro shacabka sidii ay weerarrada iska difaaci lahaayeen.

Mucaradka ayaa qorshaha Museveni ku tilmaamay mid uu ku doonayo inuu xukunka sii haysto; waxayna meesha ka sareen in dowladda aysan awood u lahayn inay si khasab ah ku askareyso ardayda dalkaas.

Ugu dambeyn, Uganda ayaa waxaa kaga sugan ciidammo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM; kuwaasoo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab ee Somalia; gacanna siiya dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya