4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Danjiraha Dalka Canada ee Nairobi oo Tababbare Khaliifaani ku soo Booqday Dhakhtarka (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) —  Danjiraha dalka Canada u fadhiya dalka Kenya Mudane David Angell ayaa bihan Abriil 29keedii soo booqday tababare Maxamuud Xaaji Ibraahim oo  loo yaqaannay (Kalifaani) ahne tababare kubadda cagta, kaddib dhaawacii ka soo gaaray weerar ay Al-shabaab ku qaadday Hotel Maka Al-Mukarama ee Muqdisho 27-kii bishii Maarso ee Sannadkan.

Tababare Khaliifaani oo haysta dhalashada dalka Kanada deggena magaalada Toronto ayaa si xun ugu dhaawacmay kaddib markii qolkii uu kaga jiray Hotel Maka Al-mukarama ay kusoo jabiyeen kooxihii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Hoteelka, markaasoo uu ka booday dabaqa afaraad ; taasoo sababtay in lugtiisa midig ila iyo sinta uu sideed meelood ka jabo.

Danjire David Angell  oo ku soo booqday Khalifani dhaqtar uu kaga jiro magaalada Nairobi  ayaa u xaqiijiyey in intii karaankiisa ah ku dadaalidoono sidii uu u kaalmeyn lahaa tababare Khaliifaani laakin wuxuu sheegay in ay jiraan caqabado la xiriira dhanka sharciga u dagsan dalka Kanada oo xanibaya waxqabadka safaaradda.

Tababare Khaliifaani ayaa dhankiisa uga mahadceliyey niyad wanaaga uu u muujiyey Danjire David iyo booqashada uu ugu yimid. Laakin ma cadda ilaa iyo hadda kaalmada ay safaaradda Canada ka geysan karto xaaladda uu ku suganyahay maclin Khaliifaani.

Mar uu HOL u warramayay Tababare Kalifani ayuu sheegay in daweyntiisa ay ku baxday lacag ka badan $20,000 oo dollar, oo laga soo aruuriyey asxaabtiisa iyo qaraabadiisa. Wuxuuna sheegay in dowladda Kanada uu ka filayey in ay u fududeeyaan sidii uu deg-deg ugu tagi lahaa dalka Kanada.

“Nairobi waxaan imid 30-kii Maarso anigoo dhaawac culus qaba, kaasoo wax looga qaban waayay gudaha dalka, sidaa oo ay tahayna safaaradda Canada ee Nairobi kaalmadii aan ka filayay kama helin,” ayuu yiri tababare Kaliifaani.

Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri “Waxaan aad ula yaabay jawaabta ay i siiyeen markaan la xiriiray safaaradda Canada ayaga oo i weydiiyey in haysto karaka caafimaadka ee laga baxsho gobolka Ontario ee loo yaqaano OHIPka ayaga oo og inaan haysto dhalashada Canada kuna soo dhaawacmay weerar argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho.”

Soomaali badan uu haysta dhalashada dalka Canada, si joogta ahna u soo booqda dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa walaac weyn ka muujiyey waxqabadka safaaradda Canada marka barbar-dhigo safaaradaha kale ee ka furan dalkan Kenya sida safaaradda Mareykanka oo mar waliba barbar taagan Soomaalida haysata dhalashada dalka Mareykanka.

Tababare Maxamuud Xaaji Ibraahim (Khalifaani) ayaa wuxuu tababare u ahaa Kooxda kubadda cagta ee Banaadir FC oo dhowr jeer ku guuleysatay horyaalka koobka Gen. Daa’uud, wuxuu sidoo kale madax ka yahay hogaanka cayaaraha iyo fannka ee  ciidanka Booliiska qaranka Soomaaliyeed.

 Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya