4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Amniga Caasimada Kenya oo Maanta la Adkeeyay iyo Rag Qaraxyo Geysan Rabay oo la Qabtay


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Ciidamada Amniga caasimadda Kenya ee Nairobi ayaa maanta adkeysay, kuwaasoo uu ku jiro dhismaha baarlamaanka Kenya, iyadoo ciidamada millateriga Kenya ay sheegeen inay qabteen laba nin oo doonayay inay qaraxyo ka fuliyaan magaalada Nairobi.

Sirdoonka Kenya ayaa toddobaadkan soo saaray digniino la xiriira in Al-shabaab ay waddo qorshayaal ay weerarro uga geysanayaan meelo ka mid ah magaalada Nairobi, iyadoo taas ay sababtay in amniga guud ee Nairobi la adkeeyo.

Goobaha amaankooda la adkeeyay waxaa ka mid ah xarunta baarlamaanka oo la sheegay in la qabtay nin ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka oo lagu eedeeyay inuu ka shaqeynayay sidii loo weerari lahaa.

Sidoo kale, labo kaniisadood oo ku yaalla magaalada Nairobi ayaa iyagana ammaankooda si aad ah loo adkeeyay iyo weliba Jaamacadda Nairobi; iyadoo laga cabsi qabo xoogag Al-shabaab ka tirsan ay weeraraan.

Dhanka kale, ciidamada millateriga Kenya ayaa sheegay inay laba qof ku qabteen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasoo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna doonayeen inay weerarro ka geysataan qalbiga dalka Kenya.

Labadan qof ayaa waxaa la sheegay inay ka mid yihiin shan qof oo lagu tuhusan yahay in ay doonayeen inay weerarro ka geystaan gudaha Kenya, gaar ahaan baarlamaanka Nairobi, inkastoo afhayeen u hadlay dowladda Kenya uu sheegay inay baaris ku sameyn doonaan labadan qof.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Garissa billowgeedii bishaan Abriil ayay xukuumadda Kenya waxay billowday inay adkeyso amniga guud ee dalkeeda, si aysan weerarro kale u geystan Al-shabaab.

Ugu dambeyn, xoojinta amniga guud ee Nairobi ayaa imaanaysa xilli ay ku dhawaaqday Al-sabaab inay weerarro kale ka geysanayso gudaha Kenya, inkastoo aysan sheegin meelaha ay beegsanayso.

Si kasta ha ahaatee, maalmo ka hora yay ahayd markii nin u shaqeeya xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya la xiray, kaasoo la shaaciyay inuu qorsheynayay inuu fudeedyo weerarro lagu qaado dhismaha baarlamaanka Kenya iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya