4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo laga bilaabay ololayaal lagu Nadiifinayo Waddooyinka


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Olole lagu burburinayo dhismayaal kala duwan ka wada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii biyaha gu'gu ay fariisteen deegaanno sababay inay xirmaan isku socodka magaalada qaarkeed.

Guddoomiyaha degmada Laascaanood, Cismaan Saleebaan Jaamac ayaa HOL u sheegay in ay hawlgalkan wadeen maalmihii lasoo dhaafay ayna wadayaan illaa ay ka sugaan sinaanta biyo shubka jidadka magaalada.

"Dhismayaal, jiingado iyo waxyaabo waddooyinka la dhigay ayaan baabi'innay, waanan sii wadi doonnaa, mana ahan mid waqti yar lagu dhameyn karo," ayuu yiri Cismaan, wuxuuna intaas ku daray in digniin uu u dirayo dadka jidadka aan la gaarin ay alaabtu ka taallo inay ka leexsadaan haddii kale cagafta dowladda Hoose ay dhulka ku simeyso.

Hawlgalka ay waddo dowladda Hoose ee Laascaanood ayaa wada hawlgalkii ugu ballaarnaa ee ay ka fuliso magaalada Laascaanood, inkastoo ay jiraan hadal-hayn dadka dhexdiisa ah oo sheegaysa in dar-darta duqa cusub ee magaalada oo bil xilka hayay uu howlgalkani qayb ka yahay.

Ugu dambeyn, dacwooyinka ugu badan ee waaxda dhulka Dowladda Hoose ay yihiin jidad lagu muran-san yahay; iyadoo magaalada ay la dhibban yihiin bulshadeedu jidad la'aan.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool