4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Ururka Qareenada SL oo Cambaareeyay Xariga Waqtigiisu sii socdo ee Guddoomiyaha Xuquuqul Insaanka


Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) — Ururka Qareennada Somaliland ee SOLA ayaa si adag u cambaareeyay xadhiga Guddoomiyaha xarunta xuququl insaanka Guuleed Axmed Jaamac oo ka mid ah ururka qareenadda Somaliland kaas oo muddooyinkii u dambeeyey u xidhnaa xabsiga magaaladda Hargeysa.

Ururka Qareenada Somaliland ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay si deg-deg ah xoriyadoodii loo soo celiyo Guuleed Axmed Jaamac.

“Xadhiga garyaqaanka marka loo eego xeerka qareenada, qodob xeerkaas ka mid ahi waxa uu mamnuucayaa  in qareenada la xidho inta ay shaqadooda gudanayaan ama umadda la hadlayaan ama maxkamad ha joogee, garyaqaankana  isaga oo hawshiisa gudanaya looma xidhi karo arin la xidhiidha hawl gudashadiisa, qodobkaas ka mid ah xeerka garyaqaanada xadhiga Guuleed gef ayuu ku yahay, waxa kale oo xad gudub ah inuu Guuleed muddo dhaaf ugu jiro jeelka arintaas oo xad gudub ku ah arimaha xuquuqal iinsaanka, waxa kale oo xad gudub ah in loo haysto eedayn ah inuu qoray warbixin, warbixintaas oo ay qortay hay’ad madax banaan.”ayuu yidhi gudoomiyaha ururka Qareenadda Somaliland Xasan Cali Xasan.

Waxaanu intaas ku daray “Madaxweynaha amaano ayaa loo dhiibtay waana inuu umada u ilaaliyo, waxaana  laga doonayaa inuu ilaaliyo sharafta iyo karaamada umada oo aan tacadiyo iyo ku tumasho xuquuqal insaan loo nisbayn, waxaanan ku baraarujinaynaa oo aanu leenahay  si deg deg ah ha loo sii daayo ninkaas garyaqaanka ah ee Guuleed Axmed Jaamac danbi uu sameeyey haduu jirana dacwadiisa maxkamada hala keeno, damaanad ayuu xaq u leeyahay uu banaanka ku joogi karo waa nin garyaqaan ah sharaf iyo karaamo ayuu leeyahay, xeer dhan ayaana balan qaaday inaan la xidhi Karin oo aan xoriyadiisa laga qaadi Karin.”

Sidoo kale, waxa xadhigaasi cambaaareeyey xildhibaan Maxamed Saalax oo ka tirsan bahda qareenadda Somaliland, waxaanu yidhi “Guuleed isaga oo cadaalada darada lagu sameeyey ka cabanaya , isaga oo ka cabanaya inaanay jirin wax dacwad ka dhan ah oo maxkamada loo gudbiyey, isaga oo ka cabanaya cadaadiska lagu sameeyey , intaasba isaga oo ka cabanaya waxa maanta na soo gaadhay oo ay qareenadu  sheegayaan inuu cuntadiina joojiyey , taasina waa dhibaato kale oo sharciyadeeda leh, waxaanan aad u adkaynayaa  maadaama oo aan ilaa imika wax dacwad ah maxkamada loo gudbin, waxa lagu haystaana ay tahay hadalka iyo buuga lagu eedaynayo Waxaanu soo jeedinaynaa oo aanu xukuumada soo xidhatay ka codsanaynayaa oo aanu ku adkaynaynaa inay garyaqaankaas xoriyadiisa ay u soo celiyaan.”

Sidoo kale waxaa iyaguna halkaas ka hadlay qareenada u doodayay, Guuleed Ax'ed Jaamac kuwaasoo kala ahaa garyaqaan Maxamed Axmed Abokor, garyaqaan Xanaan Cumar, gar-yaqaan Jamaal Xuseen iyo Garyaqaan Abiib Cumar, waxaanay dhamaantood xadhiga gudoomiyaha xuquuqul insaanka ku tilmaameen mid gef ku ah sharciga, isagoo ugu baaqay inay deg deg loo sii daayo garyaqaanka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland