4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2015
Bam-gacmeed Xalay lagu Tuuray Ciidammo ka Tirsan kuwa ilaalada Dekedda Magaalada Boosaaso

Khamiis, Abriil 30, 2015 (HOL) —Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey labo qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay afaafka hore ee dekedda magaalada Boosaaso.

Bam-gacmeed ayaa lagu tuurey ciidamo ka tirsan ilaalada dekedda oo ku sugnaa bar-kantarool oo qiyaastii labo boqol oo mitir u jirta albaabka weyn ee laga galo dekedda.

Qofka dhintey iyo labada kale ee dhaawacntey ayaa dhammaantood ahaa dad rayid ah oo xilligii qaraxu dhacayey goobta ka ag dhowaa.

Booliska ayaa qaraxa kaddib sameeyey baaritaan muddo kooban socdey, haseyeeshee ma jirto ilaa iyo hadda cid falkaas loo soo qabtey.

Ammaanka magaalada Boosaaso -oo iyadu halbowle u ah dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland- ayaa soo xumaanayey bilihii u dambeeyey.

Ku dhowaad toban weerar oo isugu jirey qaraxyo iyo weerarro toos ah ayaa afartii bilood ee ugu dambeeyey ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaar badan oo kamid ah weerarradaas waxaa mas'uuliyaddooda sheegtay Ururka Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidamada ammaanka ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya