4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
SOMALILAND: Sarkaal u Shaqeynayay FAO iyo Darawalkiisii oo ku Geeriyooday Shil Gaadhi


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Sarkaal ka tirsan hay’adda QM ee FAO oo u dhashay dalka Spain iyo dirawalkiisii oo Somali ah maanta ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay waddada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa.

Gaariga uu sarkaalku la socday ayaa waxay isku dhaceen gaari xoolo siday, taasoo keentay inuu burburo ka dibna halkaasi ku geeriyoodaan laba qof oo labadduba Hay’addaasi FAO u shaqaynayay.

Shilkan ayaa ka dhacay tuuladda Haleeya oo 20-km Bari kaga beegan magaalada Hargeysa, waxaana la sheegay gaadhiga uu sarkaalka FAO ka shaqeeya uu saarnaa inay isku dhaceen gaadhi sida geel, taasoo dhaliyay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeedba.

Hase yeeshee, wali si rasmi ah ugama aysan hadlin hay’adda FAO iyo xukuumadda, laakiin ciidanka nabad-galyadda waddooyinku Somaliland ayaa wada baaritaan ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan sida shilkani u dhacay.

Si kasta ha ahaatee, shilalka gaadiidka ayaa kusoo badanaya guud ahaan Somaliland, gaar ahaan waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kuwaasoo sababa khasaare nafeed oo kala duwan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland