4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Roobab Khasaare Geystay oo ka Da’ay Sool iyo Deegaanno Abaaro looga Barakacay (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Roobab lixaad leh oo ka da’ay deegaanno kala duwan oo ka tirsan deegaanka Widh-widh ayaa lasoo sheegayaa inay waxyeello geysteen, iyadoo ay roobab la'aan dad iyo xoolaha uga barakaceen deegaanno kale oo aanay roobab ka di'in.

Roobabkan oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’ayay gobollada Sool iyo Cayn ayaa habeen-nimadii xalay waxyeelleeyay guryo badan oo Widhwidh ku yaalla sida uu HOL u sheegay, C/laahi Saleebaan oo halkaas deggen.

Sidoo kale, Zakariye Maxamed Ciise oo ah suxufi halkaas ku sugan ayaa isna u sheegay HOL inay boqollaal qoys ka qaxeen balliga Widh-widh hareerihiisa kaddib markii roobab iyo daadad ay har-qiyeen deegaannadii ay noolaayeen.

Deegaanno kala duwan oo gobolka Sool ka tirsan ayaa iyagana la sheegayaa in danabyo ay waxyeello u geysteen xoolo kala duwan ayna sababeen inay dhibaatooyin kale geystaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in deegaanno badan oo aysan roobabka ka di’in, kuwaasoo dadka ku nool ku hayaan abaaro iyo biyo la’aan, waxaana inta badan muuqanaysa gadiidka sida dad iyo xoolo nool.

Ugu dambeyn, C/raxmaan Warsame Cabdi oo ku sugan miyiga deegaan lagu magacaabo Hilaad oo Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Laascaanood 100-km in waqtigan xooluhu dhaleen roob la’aanina ay ka jirto, balse ayna rajeynayaan in raxmaadda Rabbi ay helaan.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool