4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay inay soo daad-gureynayaan Somalida ku Xayiran Yemen


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay isku diyaarinayso inay sida ugu dhaqsiyaha badan u kusoo daad-gureyn doonto qoxootiga Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Yemen.

Xasan Sheekh oo war-fidiyeenka kula hadlay xarunta Puntland ee Garoowe ayaa sheegay inay diyaarado iyo maraakiib soo daad-gureeya Qoxootiga ay u diri doonaan Yemen, isagoo hadalkan jeediyay kaddib markii ay 30-ruux Soomaali ah ku dhinteen duqeymo diyaaradeed oo dalka Yemen ka dhacay.

“Dowladda Somalia waxay diyaarado iyo maraakiib u diri doontaa Yemen si ay u soo dad-gureeyaan qoxootiga, howshana waxaan u qaban doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu Xasan Sheekh u sheegay war-fidiyeenka.

Madaxweynaha Somalia wuxuu soo dhaweeyay Qoxootiga sida iskood ah uga soo laabtay dalka Yemen, balse wuxuu ka xusay inay dhici karto inay kusoo dhex-dhuuntaan kooxo argagaxiso ah.

“Waan soo dhaweynaynaa Qoxootiga kasoo laabtay Yemen, balse waxaan uga digaynaa kooxaha Al-Qaacida iyo Daacish inay kusoo dhex-dhuuntaan qoxootiga dalkooda kusoo laabanaya,” ayuu mar kale yiri Xasan Sheekh.

Yemen oo ay colaado ka socdaan ayaa waxay dhibaatooyin ku haystaan Qoxooti Soomali ah oo kumannaan gaaraya, kuwaasoo lasoo sheegayo inay xitaa aysan haysan cunno iyo biyo ay cabaan.

Ugu dambeyn, saddex maalmood ka hor ayaa waxaa dalka Yemen lagu dilay 30 ruux oo Qoxooti Soomaaliyeed oo kasoo tagay Xerada Al-Kharas kuna sii socday magaalada Cadan si ay uga soo baxaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya